Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta Saxaafadda la hadlay kadib markii ay dhammaatay dhagaysiga Dacwadii Muranka Xisbiga UCID, kaas oo ay gacanta ku hayaan Guddida Diwaangalinta Ururadu. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa kor iyo hoosba u garnaqsaday, wuxuuna dhaar ku maray haddii cadaalad darro lagu sameeyo in aanay Somaliland ka qabsoomidoonin Doorashooyinka la filaayo.