Wefti Culus Oo Uu Hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

0
1125

Wefti balaadhan oo ka socda dawladda   fedaraalka Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Ambassador Taye Atsk-selassie ayaa  shalay socdaal shaqo  ku yimid Jamhuuriyadda  Somaliland.

Weftigan oo shalay  ka soo kicitimay  magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa la sheegay in ujeedadda socdaalkaadu uu la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa is-kaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhexeeya labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa dullucda ujeedada wefftigan ka mid ah dar-dargelinta heshiiskii isticmaalka dekedda Berbera ee ay horaantii sannadkan  kala saxeexdeen  labada dal, kaasi oo muddooyinkanba u socday labada dawladood wada hadallo lagu sii xoojinayo heshiiskan oo jidaynaya in Itoobiya ay badeecadaheedda ganacsi 30% kala soo degto dekedda Berbera iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin  dhismaha jidka  isku xidha Wajaalle iyo Berbera (Berbera Corridor).

Weftigan  uu horkacayo  Taye Atske-Selassie,  waxa ku weheliya  Wasiiru dawlaha xanaanadda xoolaha iyo beeraha  iyo    saraakiil sar sare    oo ka kala socday waaxda Kastamadda iyo arrimaha Badaha iyo maarkiibta ee Itoobiya.

Ma  jiro war rasmi ah oo ka soo baxay  labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya oo tafaasiil lagaga bixiyay booqashadda weftigan. Hase  yeeshee sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo looga qaateen ah, waxaa la sheegay in xalay casuumad casho sharaf ah ay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa   loogu sameeyay weftigan heerka sare ah ee ka socday Itoobiya, waxaana xafladaas casho sharafta ahayd ka qeyb galay

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-deyr) iyo safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Danjirre Aadan Muuse Jibriil.

Sidoo kale waxa la soo weriyay  in  kulankaasi  cashadda ah uu   goob joog ka ahaa Brig Gen. Berhe Tesfay, Wakiilka xafiiska qunsuliyada dawladda Itoobiya ku leedahay Somaliland.Lama  sheegin in wax wada hadal ah ay cashadaasi ku yeesheen labadda dhinac, balse uu ahaa oo keliya mid ay masuuliyiinta Somaliland  ku qaabilayeen weftiga Itoobiya ka socday.

Weftigaasi oo shalay gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaaladda Hargeysa, waxa     soo dhaweeyay Wasiirrada ganacsiga, arrimaha dibada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Addis Ababa.Waxa kale oo  uu warku intaasi ku daray in weftigani uu ku soo birri doonno  Sabtida  agaasimaha arrimaha dhaqaalaha  dawlada Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD Ambassador Selman, kaasi oo lagu wado inuu soo gaadho Hargeysa maantaba.

Dhinaca kale weftigan  ka socda dawladda  Itoobiya, ayaa lagu wadaa inay  kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golaha  Wasiirrada ee ay hawl-wadaagta yihiin. Waxaana kulamadan lagu lafo-guri doonaa adkaynta wax wada qabsiga labada dal.  Si  kastaba ha ahaatee socdaalkan  weftigan  Itoobiya ka socdaa   ay   ku yimaadeen Hargaysa  ayaa ku   soo beegmaya  kadib markii  ay dhawaan Somaliland  heshiis la gashay shirkadda Imaaraadka ee DP World, heshiiskaasi oo ku saabsanaa balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera, iyadoo  ay dawladda Itoobiya-na  soo dhawaysay heshiiskaasi dhex maray shirkadda DP World iyo Somaliland.