Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobollada Bari ee Somaliland Oo Ka Hadlay Mashaqadii Dharkayn-Geeye

0
785

Wasiiru-dawlaha nabadaynta goballada barriga Jamhuuriyadda  Somaliland, Cabdirashiid  Xuseen Carab ayaa baaq nabadeed u diray  beelihii shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Dharkayn Geeye ee koonfurta gobolka Sool.

Cabdirashiid Xuseen Carab  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood oo u joogo xalinta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Dharkayn Geeye ee koonfurta gobalka Sool ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ay nabadgalyada ka shaqeeyaan waxgaradka beelaha iska hor imaadku dhex maray, waxaana uu madaxweynaha Somaliland ku amaanay go’aankii geesinimada ahaa ee uu ka qaatay joojinta  colaada ka hurtay Deegaanka Dharkayn Geeyo.

Mudane Cabdirashiid Xuseen Carab  isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi

“Safarkaygu waxa uu ku saabsanaa mashaqadii ka dhacday Dharkayn Geeye iyo nabadgalyada gobolka Sool, waxaan ILLAAHAY ka baryayaa in ay si nabad ah ku dhammaato shaqaaqadaas dhacday, waxaan uga mahad celinayaa  go’aankii geesinimada ahaa ee uu qaatay madaxweynaha Somaliland ee xoojinta amniga iyo sidii loo xasilin lahaa, aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa. waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa odayaasha beelihii mashaqadu ku  dhex martay   oo dadaal badan sameeyay  sidii loo xakamayn lahaa beelaha oo nabadgalyada loo adkayn lahaa iyagana waan u mahadnaqayaa.”

Wasiirul dawluhu, waxa kale oo uu intaasi ku daray

”Waxa kale oo aan baaq nabadeed u dirayaa  beelaha walaalaha ah ee mashaqadu halkaa ku dhex martay waxaan doonayaa in aan xusuusiyo nadgelyada iyo wada jirka in looga baahan yahay, inta nool ayaana u baahan waana dareemayaa  mashaqadaasi dhibta  ay leedahay, waan la socdaa sida ay wax u dhaceen geesinimaduna maaha in qori la qaato  oo xabad la rido geesinimadu waa ninka nabadgalyada qaata ee maanta oo kale taliya,  waxaan xusuusinayaa  in nabadgalyada laga shaqeeyo  oo aanay waxba soo sidin wax dambe oo dhintaa  oo aanay dani ku jirin dagaal iyo mashaqo danbe oo dhacda, wixii ku dhintayna ILLAAHAY ha u naxariisto, wixii ku dhaawac mayna ha caafiyo.”

Wasiirku  waxa kale  oo maamulka gobalka Sool iyo ka degmada Laascaanood ku amaanay sidii ay uga qayb qaateen xalinta mashaqadii ka dhacday deegaanka Dharkeyn Geeyo, waxaanu yidhi

“Waxa kale oo aan iyagana xusayaa maamulka gobalka Sool, heer degmo iyo heer gobal ba, dadaalkii xooga lahaa ee ay ka galeen mashaqada iyo Wasiirradii  xoojinayay  ee nabada ka shaqaynayay.”