Guddoomiyaha Wakiiladda Oo Ka Qeyb-galaya Dood Baarlamaanka Sweden Kaga Doodayo Qaddiyada Somaliland

0
867

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa socdaal shaqo ku jooga dalka Sweden oo uu sheegay inuu kaga qeyb galayo dooda Mooshin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalkaasi ay  soo curiyeen oo la xidhiidha qaddiyadda  aqoonsiga Somaliland oo lagu wado in la qabto doodaas maalmaha fooda innagu soo haya.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyadda noocan ahi ay xoojin karaan  sidii Somaliland u kasban lahayd aqoonsi caalami ah.

“Waxaan u imid dalka Sweden inaan ka qeyb-gallo dood ka dhacaysa Baarlamaanka Sweden oo ku saabsan qaddiyadda Somaliland iyo ictiraafkeeda, sida laga war-qabo munaasibaddii 18-kii May waxa laga sameeyay dalkan siminaar ay soo diyaariyeen Xildhibaanno Baarlamaanka Sweden iyadoo xisbi ka mid ah axsaabta wadankaasi uu mooshin ka diyaariyay aqoonsiga Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu tilmaamay inuu soo dhaweynayo dedaallada ka socda wadanka Sweden ee aqoonsiga loogu raadinayo Jamhuuriyadda Somaliland. “Markaa waxaan halkan u imid inaad ka qeyb galo doodaas Baarlamaanka Sweden ka dhacaysa waana u guul Somaliland tallaabadani,”ayuu yidhi Guddoomiyaha aqalka wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Mr. Cirro waxa kale oo uu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee iyaguna dedaalka u galay inay xildhibaannada baarlamaanka dalkaas marti-geliyay ay  ku guulaysteen inay fahamsiiyaan qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddada baarlamaanka Sweden uu doodan wado waxa kale oo ay xog waran la yeelan doonaan Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.Dawladda Sweden oo ah dal ka mid ah dalalka hormuudka u ah dalalka dimuqraadiga ah ee adduunka, ayaa hore u majeertay dimuqraadiyadda iyo dawladnimadda aanu caalamku waxba ku darsan ee ka jirta muddo rubuc qarni ah dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo dawladda Sweden ay hore aqoonsi u siiyay dawladnimadda dadka reer falastiin.