Madax-dhaqameed Tiro Badan Oo Xalay Ilaa Shalay U Amba Baxay Deegaankii Ciidamada Itoobiya Ay Dadka Shacabka Ah Ku Layeen Ee Jaamac Dubad Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

0
709

Cuqaal,waxgarad iyo salaadiin tiro badan ayaa la sheegay inay xalay ilaa shalay galinkii danbe ka baxayeen magalooyinka hargeysa,berbera,burco iyo ceerigaabo kuwaasi oo usii jeeda deegaanadii ay ciidamada new police-ku xasuuqa arxan darada ah ka gaysteen.

Waxaan cuqaasha,waxgaradka iyo salaadiintani ay u socdaan hawlo nabadeed oo la taxaluqa xasuuqaas iyo waliba inay soo ogaadaan xaqiiqada rasmiga ah eek a danbaysay xasuuqani.

Deegaanada Xaashi Cagoole iyo Jaamac Dubad ayaa hada naloo soo sheegay inay xaaladooda dagan tahay wallow ay degeenaada taalo dhiilo iyo murugo fara badan.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sidoo kale shegaya in ciidamadii News Police-ka ee xasuuqa arxan daarada ah ka gaystay deegaanka Jamaac Dubad ay firdhadkii galeen magaalada jigjiga ee xaruunta dawlad deegaaka somalida itoobiya.

Masuuliyiinta Dawlada fadaraalka Itoobiya iyo ismaamulka kilidhka shanaad midkoodna ilaa hada kamay hadal xasuuqan arxan darada ah ee loo gaystay dadka rayid ka ah ee aan waxba galabsan kuwaasi oo ay ku jiraan haween, caruur iyo maati iyo dad la sheegay in lagu laayay iyagoo masaajidada ku jira.

Gabagabadiina ilaa hada lama garaanayo sababta rasmiga ah ee ka danbaysay In ciidamadani ay xasuuqaan dadkan rayidka ah.