“Agaasimaha Guud Ayaa u Sabab Ah Inay Wasaaradda Deegaanku Ilowdo Xafiiskeeda Laascaanood” Cabdi Xirsi Jiir

0
924

Maamulaha Wasaaradda Deegaanka ee Magaalada Laascaanood, Cabdi Xirsi   Jiir, ayaa sheegay in  xarunta wasaaradda Deegaanka   ee gobolka Sool in aanay shaqayn isla markaana shaqadii ay qaranka u qaban la haayeen uu fadhiid ka dhiigay Agaasimaha guud ee wasaaradaas  oo uu ku eedeeyay in aanu wax wada shaqayn  ahba la lahayn gobolka Sool.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Xarunta Wasaaradda Deegaanka ee  gobolka Sool in loo soo magacaabay Isuduwe aan Hargeysa soo dhaafin  wax shaqo ahna aan gobolka ka qaban.“Maalintii deegaanka adduunka la xusayay gobolka Sool munaasibad ah kamaanu qaban waxaana sabab u ah Agaasimaha guud oo wax kasta oo suuro-gelin lahaa in gobolka Sool degmooyinkiisa oo dhan in maalinta deegaanka laga xuso oo xagiisa ku maqnaaday oo uu la habsaamay,waxaa kale oo sabab u ah in gobolka laga xusi waayo maalinta  caalamiga ah ee deegaanka Isuduwaha uu agaasimaha guud soo magacaabay sideed bilood ka hor maba aragno oo Hargeysa sooma dhaafo,waxaanan u aragnaa taasi in ay tahay qorshe Agaasimaha Guud uu xarunta gobolka  fadhiid kaga dhigayo.”ayuu yidhi Cabdi Xirsi Jiir Maamulaha   Xarunta Wasaaradda Deegaanka   ee Laascaanood oo khadka tilifoonka ugu waramay wargeyska Dawan.

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan Wasiirka  iyo madaxda qarankaba u sheegayaa in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanku go,doomiyay xarunta Wasaaradda isla markaana wax wada shaqayn ah aanu la lahayn isu duwaha uu magacaabayna  uu isaga Hargeysa la joogo oo aanu gobolka iman kana hawlgalin. Annagu waxaanu imika ka hawl-galnaa oo aanu la dagaalanaa dhuxulaysiga iyo goynta dhirta qoyan oo aanu iska kaashano waxgaradka iyo ururada  bulshada iyo maamulka gobolka laakiin ma hayno maamul wasaaradeed oo nala shaqeeya.” Ayuu yidhi Maamule Cabdi