Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia oo Markale Dib U Dhacay, Sababaha Keenay Inay Toddobaad Gudihii Laba Jeer Baaqdaan

0
799

Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu waday inay Maanta dib uga furmayaan Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayaa Mar Kale dib u dhacay.

Wada Hadallada oo qorshuhu ahaa inay Dalka Turkiga ka furmaan 31-ka Bishii May ee Sannadkan isla-markaana dib loogu riixay inay furmaan Lixda bishan June oo Maanta ku beegan, ayaa mar kale dib u dhacay, ka dib Codsiyo kala ujeeddo ah oo dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya ee Wada-hadalladu u furmi lahaayeen ku dalbadeen in mar kale dib loo riixo, inkasta oo aan la ogeyn Wakhtiga dib loogu dhigay ee ay bilaabi doonaan.

Ma jiro War rasmi ah oo lagu Caddeeyey dib u dhaca Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku yimid oo ka soo baxay labada Waddan ee wada-hadalku u dhexeeyey iyo Dalka marti galinayey, hasa-ahaatee Warar xaqiiqo ah oo uu Wargeyska Himilo soo gaadhay Xalay ayaa sheegay  in dib u dhacan mar kale ku yimid wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uu ka dhashay ugu horreyn in Somaliland codsatay in dib loogu dhigo illaa 10-ka bishan June, taasoo Somaliland u cuskatay in ay mashquul ku tahay shir ahmiyed weyn u leh Somaliland oo ka furmaya Caasimadda Hargeysa (High Level co-ordinator), Shirkaasi oo ay ka soo qayb-galayaan Wufuud ka kala socoto qaadhaan- bixiyeyaasha Somaliland taageera.

Halka, Soomaaliyana codsigaa Somaliland ka dib dalbatayay in wada-hadallada dib loo dhigo, maaddaama oo la galay bisha barakaysan ee Ramadaan, loona riixo Wada-hadallada Bisha Ramadaan ka dib.

Codsiyadan kala duwan oo labada Dawladood u direen Dawladda Turkiga oo Marti-gelinaysay, ayaa sababay inay mar kale dib u dhacaan Wada-hadalladu, inkasta oo Dawladda Turkigu aanay War ka soo saarin.