Ciidamada Itoobiya Oo xasuuq Ba’an U Gaystay In Ka Badan 40 Qof Oo Deganaa Deegaanka Jaamac Dubad Oo Dhanka Bari Ka Xigta Degmada Gaashaamo

0
672

Wararka naga soo gaadhaya degmada gaashamo  ayaa sheegaya in ciidamo iskugu jira Kuwa Federaalka Dawlada Itoobiya iyo ciidamada News Police-ku ay xasuuq ba’an u gaysteen in kabada 40 qof oo degena tuulada jaamac Dubad oo dhanka bari ka xigta magaalada gaashaamo.

Wararkan ayaa sheegaya in ciidamadani ay duulaan iyo weerar kusoo qadeen dadka degen deegaankaasi iyaga oo sida la sheegay goobtaasi ku xasuuqay dad lagu qiyaasay 40 qof kuwaasi oo iskugu jira rag,dumar iyo waliiba caruur yar yar.

Wararka aan helayno ayaa intaa ku daray in ciidamadu ay intaas kadib ay dab sudheen guryihii ay daganayeen dadkaasi.

Ilaa hada lama garanyo sababta ciidamada dawlada itoobiya u xasuuqeen dadkan iskugu jira rag haween iyo caruurta yar yar balse xaalada tuulada ayaa hada ah mid kacsan,