Gudoomiye Maxkamada Sare Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Xafiiskiisa La Dhigay Alaad Kamida Waxyaalaha Qarxa

0
818

Gudoomiye maxkamada sare ee Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay saddex nin oo laga shakiyay isla markaana ay ciidamada amaank Somaliland gacanta kudhigeen, waxaan uu gudoomiye sheegay in ragaasi lagu daba jiray isla markaan ay saddexdii casho ee u danbeeyeyba ay kusoo noqnoqanyeen maxkamada sare.

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo wargeyska Warsugan la xidhiidhay ayaa sidoo kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in xafiiskiisa la dhigay waxyaalo kamida aaladaha qarxa isla markaana la doonayay in lagu khaarajiyo isaga, waxana uu sheegay inay wararkaasi yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn balse ay jiraan rag laga shakiyay oo la qabqabtay.

Gudoomiye Aadan aya sheegay in ciidanka boolisku ay ragaa baadhitaano kala duwan ku hayaan.

Dhanka kalena saraakiisha ciidamada booliska Ayaan iyagu wax faahfaahina ka baxin ragan la qabqabtay iyaga oo sidoo kalena aan wali la shaacin magacyada saddexda nin .