Koox Looga Shakiyey In Ay Qaraxyo Ka Fulinayeen Maxkadda Sare Oo Boolisku Maanta Qabtay

0
709

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay saddex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda sare ee Somaliland.

Illaa hada xukuumadda Somaliland war kamay soo saarin qabashada sadexda nin, hase yeeshee ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sadexda nin ay Miino nooca qalinka ah dhigen xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare, taasoo ay ugu talo galeen inay ku qarxiyaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Sadexda nin ayey Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalinkii Miinada ahaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.
Ma cadda nimanka la qabtay waxa ay ahaayeen, hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamadda amniga ayaa sheegay in uu ka tirsanaa nin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, kaasoo sida uu sheegay ay walaalo ahaayeen Hogaamiyihii kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Askarigan ayaa la sheegayaa in uu ahaa koox dhaqan celin ahaan ciidamadda loo qoray, kuwaas oo ka soo goostay maleeshiyadda Alshabaab.

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa heegan la galiyey, waxaana saaka laga dareemayey feejignaan dheeraad ah agagaarka maxkamaddaha Hargeysa.