Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Walaalo Ah Oo Ku Dagaalamay Deegaanka Dharkayn-geenyo

0
812

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi. ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirrirtu ku dhex martay deegaanka Dharkayn-geeye ee gobolka Sool.

“Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa dadka walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dharkayn-geeye ee Gobolka Sool in ay joojiyaan collaadda.

Xisbiga KULMIYE wuu ka xun yahay dadka muwaadiniinta ah ee dhexdeena ku dhintay, waanuna ka tacsiyadaynayaa qoysaska iyo qaranka ay ka baxeen dadka ku naf-waayey shaqaaqadaas oo aynu Alle uga baryeyno inuu u naxariisto, kuwa dhaawacmayna uu siiyo caafimaad. Xisbiga KULMIYE wuxuu dareemayaa xannuunka ay leedahay collaadda sokeeye, sababtoo ah qof kasta oo ku geeriyooda waa ruux ka baxay qaranka Somaliland, waanna kugu dhimay oo kaa dhimay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu xasuusinayaa beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya in sida diinteena suubbani ina farayso, dadnimada iyo ehelnimaduna tahay in la joojiyo fidmada, wixii dhibaato ahna si miyir-qab iyo nabad ah lagu xalliyo.

Qaran ahaan ummadda reer Somaliland, dawladda, xukuumad ahaan iyo shacbiba, waxa innagu waajib ah in aynu ka gurmano collaaddan oo la kala dhexgalo dhinacyada dagaallamaya si aan dhiig dambe u daadan.

Somaliland waxaynu ku soo caano-maalnay in aynu dhibaatooyinkeena ku furdaamino wadahadal, wadatashi iyo isu-tanaasul, maantana waxa innagu waajib ah inaynu dhiigga daadanaya joojino oo dhibaatadu aanay halkaas dhaafin.

Sidaas darteed, waxa waajib innagu wada ah in aan rasaas nool la isku adeegsan marka khilaaf yar yimaad, balse, wax kasta ha laga horraysiiyo wanaaga, walaaltinimada iyo in si miyir qab ah loo xasiliyo, iyadoo mar kasta mudnaanta la siinayo ilaalinta nafta qofka bani’aadamka ah.

1323

ALLAA MAHAD LEH

Md. Muuse Biixi Cabdi