Xukuumadda Somaliland Oo Safaarad Balaadhan Ka Furatay Maraykanka

0
840

Somaliland ayaa markii u horaysay safaarad ka furtay magaaladda Washington ee dalka Maraykanka. Waxaana safaaradaasi xadhiga ka jaray wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed Ismaaciil Kayse.

Furitaanka  Xafiiskana  waxaa ka soo qayb galay safiirka Somaliland ee Maraykanka Ambassador  Rashiid Nuur Gaaruf, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Axmed Ismaaciil Kayse,dad isugu jiray  Jaaliyadda  reer Somaliland ee degan Washington D.C iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo isugu jiray aqoon yahano, waayeel iyo waxgarad tiro badan.

Wasiir  ku xigeenkawasaaradda arrimaha dibada Somaliland Mudane Axmed Keyse, oo furitaanka munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay  dhamaanba dadweynihii kala duwanaa ee munaasibadasi ka soo qayb galay wakiilka Somaliland ee Washington oo uu sheeegay in uu dedaal badan geliyay arrintaasi.

Waxaanu  yidhi “Waxaa   farxad weyn ii ah in aan idin kala soo qayb galo furitaanka xafiiskan uu gadh-wadeenka ka yahay Safiirka Somaliland ee dalkan maraykanaka Rashiid Nuur Gaaruf iyo Jaaliyada degan Washington, Virginia iyo Maryland-ba in aanu furno xafiiskan oo aad u qurux badan oo weyn ahna xafiiskii ugu horeeyey ee ay Somaliland ku yeelato maraykanka.Waxaan rejaynayaa inuu wax weyn ka tari doono xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

Xafladii furitaanku way inoo danbeysaa laakiin maadaama aan beri tegayo waxa suurta gashay in aanu xadhiga ka sii jarno xafiiska.  Xafladda  furitaankana ay jaaliyadu ka soo qayb geli doonto,   oo ay balaadhin doonaan kuna qaylin doonaan  Somaliland-na ay halkan ka qaybin doonaan.

Waxaanu intaasi ku daray  “Waxaan  u mahad naqayaa safiirka iyo intii kala shaqaysay    aad baad u mahadsantitiin,  sida aad u dedaasheen ee aad u muujiseen qiimaha waddaniyada iyo horumarka dhinaca arrimaha dibadda”ayuu yidhi wsiir ku xigeenka arrimaha dibadda.

Xadhig  ka jarida  xafiiskaasi  waxaa isna   ka hadlay Safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka Ambassador  Rashiid Nuur Gaaruf. Waxaanu   yidhi

“Waxaynu  isugu  nimid  munaasibada furitaanka safaarada Somaliland oo aynu ka furayno wadanka Maraykanka,  waxaana  halkan marti inoogu ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda   Somaliland Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse),  oo inoo furay xafiiskan safaaradu ku yeelan doonto dalka maraykanka, gaar ahaan Washington DC, Furitaanka xafiiskani wuxuu guul u yahay shacabka reer Somliland iyo qarannimadeenaba.”

Sidoo kale waxaa isna munaasibadaasi hadallo  isugu jiray   duco waano iyo mahadnaq halkaa ka  jeediyey Ibraahim Cabdi Warsame,  oo ka mid ah  odayaasha jaaliyada Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Waxaanu  ku dheeraaday Ibraahim  muhiimada uu yeelan doono xafiiskani iyo baahiyihii ay dadka reer Somaliland u qabeen inay helaan safaarad la mid ah  safaaradaha ka jira dalka Maraykanka, taasina waxay ka bilaaban taa xafiis iyo safiir hawl kara sida Safiirkeena oo kale.