Weriye Rayhan Demytrie Oo Fallan-qeeyay Tartanka Abkhazia Ee Dalalka Aan La Aqoonsanayn Oo Somaliland Ku Jirto

0
819

“Abkhazia oo adduunku u yaqaanno inay ka mid tahay Georgia, ayaa marti-gelisay tartankii ugu weynaa ee ciyaareed ee ay waligeed lagu qabto dhulkeeda oo ah koobka adduunka ee dalalka aan la aqoonsanayn,”ayaa lagu yidhi warbixin uu qoray weriye Rayhan Demytrie oo ka tirsan laanta Ingiriisida ee idaacadda BBC-da oo shalay lagu daabacay mareegtooda internet-ka, iyadoo ciwaan looga dhigay “Koobka Adduunka ee dalalka aan la aqonsanayn”

Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen xidhiidh madax banaan oo la yidhaahdo CONIFA, oo ka wakiil ah dalalka iyo qarramadda adduunka ee aan la ictiraafin ee aan ka mid noqon karin xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Mr.Per-Anders Blind oo ah aasaasaha iyo Guddoomiyaha xidhiidhka CONIFA, ayaa sheegay inay tartankan uga dan leeyihiin in codkooda la maqlo dalal iyo bulshooyin aan cod lahayn oo ku kala yaalla daafaha adduunka.

Waxa uu sheegay inuu tartankan iskugu keenay dalal aan la aqoonsanayn, kuwo madax banaanidooda kaligood ku dhawaaqay,bulshooyin aan dawlado lahayn iyo qaar laga tiro badan yahay.

“Xagayga tartankani waxa uu ka yahay mashruuc nabadeed,” ayuu yidhi Mr.Per-Anders Blind, waxaanu intaas ku ladhay “Waxa qasdigayagu yahay inaanu saaxad caalamiya u abuurno dadka la iloobay, waxaannu nagu jira dalal badan oo aan la aqoonsan oo dacallada adduunka ku kala yaalla waxaanan doonaynaa inaanu caalamka barno bulshooyinkaas.”

Mr. Per-Anders, laftiisu waxa uu ka soo jeedaa bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Scandinavia oo kooxdoodu ay ku jirto 12-ka kooxood ee tartankan ka qeyb galay oo ay ka mid yihiin Kurdistan, Northern Cyprus, Somaliland, Punjab, United Koreans ee Japan, Western Armenia iyo Szekelyland.

Tartankani waa kii ugu weynaa ee ay dalalkan iyo bulshooyinkani yeeshaan,Mr. Harpit Sinkh, oo ah Guddoomiyaha kooxda xidhiidhka kubadda cagta ee Punjab, ayaa sheegay inuu naftiisa u huray maalgelinta kooxdooda oo intooda badani yihiin muwaadiniin haysta dhallashadda Ingiriiska.

“Aragtidayda fogi waxa weeye inay taajiraan dadka Punjab-ka ah oo ka mid ah bulshooyinka iloobay jinsiyadooda iyo cidda ay yihiin, maanta waxay yihiin, kuwo ah British, Indian ama Maraykan. Waxaan doonaynaa inaan siiyo wacyigelin dhaqameed oo ay dib ugu dardar geliyaan jinsiyadoodii luntay,”ayuu yidhi Harpit Sinkh.

Abkhazia, waxay markii hore ahaan jirtay gobol ka tirsanaan jiray Soviet Georgia, waxay u dagaalantay madax-banaanideeda sannadihii 1992-kii iyo 1993-kii oo ay ku guulaystay halgankeedii. Dagaalkaas waxa ka dhashay inay baro-kaceen in ka badan 200.000 oo qof oo ka mid dadka jinsiyadoodu tahay Georgian-ka, kuwaasi oo wali dalbanaya y xaqa ay u leeyihiin inay ku noqdaan dhulkoodii.

Caalamku waxa uu Abkhazia u yaqaanaa inay ka mid tahay dhulka Georgia, balse waxa madax-banaanida Abkhazia aqoonsaday dawladda Ruushka oo siisa kaalmo dhaqaale iyo mid ciidan-ba.

Dawladda Georgia waxay u aragtaa in tartankani yahay mid aan sharciyadda meel ku lahayn, waxaanay sheegtay inay maxkamadeyn doonto ciddii ku xadgudubtay sharciyadda wadankeeda. Sidoo kale waxay digniinteeda ku jiray inay sharciga hor geyn doonto dadka u safraya ee galaya Abkhazia.

Tartankan ay CONIFA hirgelisay waa nooc ka mid ah is barasho iyo dhaqan is weydaarsi u ah bulshooyin kala duwan, hase yeeshee u wada halgamaya hadaf isku mid ah.”

Macluumaad dheeraad ah oo ka baxsan warbixin:

Geesta kalena, Tartankan oo ay ka qeyb galeen koox ka socota Somaliland, waxa ka soo horjeedsaday masuuliyiinta wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, waxaanay ku doodeen inuu yahay tartan ay iskugu yimaadeen gobollo ka go’aya dalalkoodii halka qadiyadda Somaliland tahay mid ka duwan oo ah dal madaxbanaan.

Ray’ul caamka shacbiga Somaliland, ayaa wax lagu qoslo ku sifeeyay mowqifka ay tartankan iska taageen Masuuliyiinta Ciyaaraha oo ay ku tilmaameen inay yihiin qaar fadhiid ah oo tahli waayay inay dhallinyarrada u qabtaan tartamo ciyaareed, iyadoo xataa uu ka qabyoobay wasaaradda tartankii ciyaaraha gobolladda oo wejigii labaad ku bariiqday.

Tartanka Abkhazia waxa kooxda Somaliland metalaysa oo iskugu jiraan dhalinyarro dalalka Yurub laga keenay iyo qaar laga qaaday caasimadda Hargeysa, waxaana horkacaya nin la yidhaahdo Xasan Waraabe Cadde oo horumarinta ciyaaraha u ololeeya, balse ay aad uga soo horjeedo oo aanay isku fiicnayn wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

Wasiirka ciyaaraha ayaa ka dabo-hadlay kooxdan iyo ninka Hoggaaminaya, waxaanu sheegay in Xasan Waraabe Cadde uu adeegsanayo xil uu hore iskaga casilay oo ahaa Guddoomiyaha Olombikadda qaranka.

Tartankan waxa la sheegay in kooxdii Somaliland saddex ciyaarood oo ay yeesheen laga badiyay, hase yeeshee waxa dad badani ku qanacsanaayeen inay sannadaha dambe u tabaabushaysan doonaan sidii ay kaalmaha hore u soo geli lahayd. Dadka fikirkan qabaa waxay aaminsan yihiin in kooxdani ay iibgeysay magaca JSL waxaanay ay naqdiyayaan wasaaradda ciyaaraha noqotay wasaarad magac u yaal ah.

Ciyaartii shalay ee xulka

Xulka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la kulmay guuldaradii saddexaad ee koob adduunka wadamada aan la aqoonsanayn ee Conifa, kadib markii ay 10 iyo 3 gool kaga adkaadeen xulka qaranka Szekely Land, iyagoo ciyaarta ku dhammaystay 7 ciyaaryahan- Jimce 03 -June-2016.
Ciyaartan oo ku tirsanayd ciyaaraha kala saarista xulalka ee dhinaca kaalmaha – ayaa labada qaran ku dhex martay garoonka “Daur Akhvedeliani” stadium, Gagra.

Qaybtii hore xulka Somaliland wuxuu u muuqday mid aan la loodin karin, waxaanay ciyaartu ku socotay 3-3, laakiin qaybtii dambe markii Somaliland ay ka dhaawacmeen saddex ciyaaryahan oo garoonka laga saaray, horena saddex kale dhaawac ugaga maqnaayeen, waxa ku dhacay dhabar jab iyo waxaanay xejin kari waayeen 11 ciyaaryahan oo kubbada mar kasta weerar ku ah.
Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 10 gool iyo 3 ay xulka Szekely Land guushu ku raacday, waxaanay ku xoogsadeen guushii labaad ee ay tartanka kala hoydaan, iyo kaalinta 9 aad ee kala saraynta koobka sanadkan.

Halka Somaliland oo afarteedii ciyaarood hal kulan badisay, 3 ciyaaroodna laga badiyey ay kaalinta 10 aad ee Conifa World Football Cup sanadkan ku dhamaysteen.
Intii tartanku Socday, Somaliland waxaa ka dhaawacmay lix ciyaaryahan oo laf dhabar ah, waxaanay noqdeen kuwo guuldaraysta.
Guuldarada xulka qarankeena, waxaa lagu eedaynayaa inay ka dhalatay, dhiiri gallin la’aan, iyo taageero haba yaraatee aanay marna ka hellin wasaaradoodii ciyaaraha u qaabilsanayd qaranka.
Iska dhaaf inay taageeraana, waxay masuuliyiinta wasaarada Ciyaaruhu ku tilmaameen dhalinyarada ka qayb gashay tartanka koobka aduunka wadamada aan la aqoonsanayn oo uu sanadkan marti galliyey wadanka Abkhazia, qowlasato iyo kuwo aan metelin calanka Jamhuuriyada Somaliland.