Ganacsatadda Haamaha Shiidaalka Berbera Oo Beeniyay In Khilaaf Soo kala Dhex-galay Xukuumadda

0
811

Guddoomiyaha Midawga shirkadaha ganacsatada   ee la wareegay   gacan ku haynta Haamaha Kaydka Shiidaalk   Berbera   Berbera Oil Group Eng.  Cali Yaasiin Kooshin,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar   sheegayay in ay wax iska bedeleen heshiiskii ay Xukuumadda Somaliland iyo Midawga shirkadaha  shiidaalku  wada galeen.

Waxaanu  intaa ku daray in warkaasi  uu yahay mid been ah, isla markaana   ay Xukuumadda  ka dhaxayso wada    shaqayn wanaagsan  hawlaha Haamaha Kaydka Berbera Maamul ahaan ay gacanta sidii ugu hayaan.

Xukuumadduna  ku ogtahay  wada shaqayn fiicanna ay leeyihiin waxaanu intaa raaciyay in aanay jirin wax war galin ah oo Xukuumadda iyo Madaxtooyada uga yimi iyo kulan ay ku kala kaceen midnaba.

Eng.  Cali Yaasiin,  guddoomiyaha shrikadaha ku midoobay  shiidaalka ee Berbera Oil Group  oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay  wargeyska DAWAN.

“Wada Shaqaynta Xukuumadda iyo Berbera Oil Group,  waa sideedii wax iska bedelayna ma jirto. Haddii  ay cidi ogaanayso oo ay wax ka jiraanna qofka ugu horreeya ee warkaasi soo gaadhayaa waa aniga oo ah guddoomiyaha Berbera Oil Group. Markaa waxaan kuu cadaynayaa in heshiiskii aanu Xukuumadda wada galnay uu sidiisii yahay oo aanu Haamaha Maamulkoodii sidii u nahay dawladdana wada shaqayn wanaagsan aanu leenahay,  wax khilaaf ah oo naga dhextaagan iyo kulan aanu ku kala kacnay iyo codsi Madaxtooyada nooga yimid  midna ma jiro”ayuu yidhi Guddoomiye Eng Cali Yaasiin.

Mar aanu Eng.  Cali Yaasiin, oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi

 “Dhanka Xumuumadda midna waxba kamay soo noqon,cidda waxaa waddaana waa cid xumaan wadda markaanu ogaano halka ay ka timina waanu ka hadli doonaa. BOG xafiis shaqeeya ayay leedahay cidda doonaysa in ay wax qortaana waxay ahayd in  ay wax naga waydiiso laakiin haddii qofku xumaan u badheedhayo dee wuxuu doono ayuu qori karaa taasina annaga wax dhibaato ah naguma hayso.”

Sidoo kale guddoomiyaha midawga ganacsatadda haamaha shiidaalka Berbera oo  aanu waydiinay sida ay ugu adeegaan macaamiishood ama dadka wax ka sii iibsada waxa uu ku jawaabay

“Maamul ahaan ayaanu  Haamaha Kaydka Shidaalka annagu hadaanu nahay BOG gacanta ku haynaa shirkado ganacsi oo tiro badan oo shidaalka ka ganacsadaana way jiraan si wanaagsan ayaanay Haamaha adeegii ay uga baahnaayeen uga helaan isla hawsha Haamuhuna si wanaagsan ayay u socotaa”ayuu yidhi Eng.  Cali Yaasiin.

Dawan