Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyadu oo Loogu Soo Dhaweeyay Xudun Oo Ay Ka Fureen Mashaariic Horumarineed

0
769

Wefti  wasiirro ah oo ka socday xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayay  wasiirka Wasaaradda   madaxtooyadda   Maxamuud  Xaashi  Cabdi,   ayaa  shalay   xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey   degmadda   Xudun   ee  gobolka   Sool.

Weftigaasi wasiirrada ah ayaa  markii ay  gaadheen degmadda Xudun waxaa halkaasi   si balaadhan  ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta degmadaasi. Waxaanay   fureen    saddex  mashruuc  oo Xudun laga hirgeliyay iyagoo  sidoo kalena maamulka degmadda   ku   wareejiyey  deeq raashin ah oo loogu tallo-galay dadka ay abaartu taabatay ee degaankaasi.

Mashaariicda ay xadhiga ka jareen ayaa kala ahaa xarunta  maamulka degmadda, saldhig boolis iyo sidoo kale garoon casri ah oo lagu ciyaarayo Kubadda cagta.

Kadib markii  weftigaasi  ay xadhiga ka jareen mashaariicdaasi waxaa halkaasi   hadal ka  jeediyey  wasiirka madaxtooyadda Maxamuud  Xaashi,  ayaa ugu horayn uga mahad naqay masuuliyiinta iyo bulshadda degmadda Xudun sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Ugu horayn,  waxaanu ka mahad celinaynaa sidii diiranayd, niyada furnayd, dhaqanka wanaagsan ahayd ee aad noogu soo dhawayseen.  degmadan Xudun iyo sidii naloo sooray,  intaba waanu ka mahad celinaynaa.

Mar  labaad waxaanu iyadna bogaadinaynaa niyad samida dadka iyo bulshadda qoor-waynteeda dareenka ka muuqda. Waxaynu  nahay dad walaalo ah,  dad wadan leh  ayaynu  nahay,   dad dhaqan soo jireen ah leh ayaynu  nahay,  waana  waxa   aynu kaga duwan nahay qoomiyadda Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku dhaqan,  bulsho dhaqan ab iyo isir leh ayaynu nahay.  Dhaqankeedana  way ku jirtay wax kala tirsiga iyo is-qabashadu.  Waxa  kale  oo ku jirtay sida aynu u kala baxno iyo waxa  aynu ku kala baxno,  dabaro iyo xeerar   ayay   lahayd.

Waxaanu intaasi ku daray  “Walaalayaal anagu waxaanu ka soconaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka madaxda yahay,   Xukuumadaa   aanu ka midka nahay siyaasadeeda waxa u Bud-dhig ah  inay horumariso gobolka Sool, inay Nabad waarta ka abuurto gobolka Sool, degmadan Xudun waa   degmooyinka ugu waaweyn gobolkan.  Gobolka Sool,  waa gobol ka mid ah  goboladda Jamhuuriyadda Somaliland,  waa gobol u baahan in la horumariyo oo mashaariic badan laga fuliyo.   Ma  suurto geli  karto in dalkan yar iyo dadkan aynu is-nahay in qaybina ay badhaadho oo barwaaqo ku noolaato,  qaybina ay ba’do!.  Wuxuun   baynu wada qabi karaa.  Caqliga  wanaagsana kuma jirto in inna la dhiso,  inna dib loo dhigo.  Sidaa  darteed   waxa  naga go’an oo aanu Madaxweynaha wakiil kaga nahay,  oo uu naga og yahay in wiixii horumar ah aanu xooga saarno gobolada Somaliland ee bariga ee ka hooseeya   kuwa   Galbeedka”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay mashaariicda ay shalay xadhiga ka jareen  iyo muhiimadda ay u leeyihiin bulshadda iyo degaankaba.  “Mashaariicdan  aynu maanta  (shalay)   degmadan ka furaynaa   waa kuwo muhiim  ah,  odhan mayno  wax   waliba way dhamaadeen,  odhan   mayno baahiyi ma jirto, waa mashaariic bilow ah oo u muhiim ah maamulka iyo nabad galyada.

Haddii  aanay halkan nabadi ka jirin,  oo aanay saldhig boolis yeelan, magaaladda bulshada ku nooli nabad kuma noolaan karto.  Sababtaas  ayaanu saldhigan u dhisnay.  Sidoo  kalena maanta  (shalay)  waxaanu  furnay  xaruntii maamulka degmada iyo garoon loogu tallo galay inay dhalinyaradu Kubbada ku ciyaarto. Baahiyaha  kale ee laga waramayna wiixii suuro gal ah waanu  qabanaynaa.  Waxa  kale oo aanu ka hawl gelaynaa sidii maxkamad  degmadan loogu dhisi lahaa. Waxaan  halkan ka markhaati kacaynaa in dareenka dadweynaha Xudun uu shalay iyo maanta kala duwan yahay, odhan mayno wuu qabyo tiran yahay, oo saxar la’ yahay,  hase  yeeshee aad ayuu u fiican yahay,  kii shalay-na wuu ka duwan yahay”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadda.

Wasiirku waxa uu hadalo dar-daaran ah u jeediyay bulshadda goboladda bariga, oo uu sheegay in mar walba madaxweyne Axmed Siilaanyo ku cel-celiyo in uu gogol nabadeed ugu baaqayo bulshadda degaanka si wixii tabashooyin ah ee jira wada hadal loogu dhameeyo.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Walaalayaal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu waxgaradka iyo qoorweynta reer Sool iyo Sanaag barri u dhigay gogol, maaha go’gol been ah, waa mid run ah, waxaanu doonaynaa Walaalayaal in aanu idin turxaan saarno, waxaanu doonaynaa in aanu tabashadiina dhamayno.  Waxaanu  doonaynaa inaynu Qaranka wada qaybano waynu wada leenahee, qarqarkiina qaybsada oo goosta, ka qayb gala Diiwaangalimaha iyo doorashooyinka. Rag dudi karra ma tihidin, Rag wax wada leh ayeynu nahay, ninka halkan Xudun ku nool Xamar waxa uga dhaw Hargeysa, Gar-adag iyo isha  Caynaba.  (Laba ILLAHAY ayaa u daawe qaada, Laba iyagaa daawe qaata).

Waxaynu  nahay kuwii ILAHAY u daawe, qaaday, dalka, dhulka, dhaqanka, dhalashada iyo dhiiguba waa inaga dhaxeeyaa, dhismaha dawladnimaduna waa inaga dhaxeeyaa, wixii la qawadayo waxaanu qabnaa in la toosiyo, (khalad waa markii la qabtaa.)

Maanta dani kuma jirto in ninka dudayaa uu qori qaato, oo jabhad sameeyo, oo maxaad qori u qaadan oo jabhab u abuuro oo qalalaase dhibaato iyo khasaare dadkaaga u galin,? Wax  aynu wada leenahay ayaa miiska yaalee, rag kala gar qaadan kara ayeynu nahay, Ri’ gaar ah cidna laguma sandulayn karo. waxaan adkaynayaa inaynu nabada iyo horumarka ka wad shaqayno dhamaanteen.”