Wasiir Cadami oo Sheegay In Ururradii La Siiyay Wacyigelinta Diiwaan-gelinta Badhan Ay Dhaafi Waayeen Ceerigaabo

0
637

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumadda Somaliland ee Buuhoodle iyo hannaanka ay Diiwaan gelinta Codbixiyeyaashu uga qabsoomayso gobolka Badhan oo la filayo in ay bil ka dib  ka bilaabanto.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in ay lama taabtaan oo ay  waajib qaran tahay difaaca dalka Somaliland guud ahaan isla markaana ay sugayaan guud ahaan xuduudaha dhuleed ee Somaliland oo dhan,taasoo uu Wasiir Cadami caddeeyay in aanay cidna uga  waabanayn sugidda soohdimaha  dalku leeyahay.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu wargeyska DAWAN,  xalay khadka Telefoonka  ku siiyay.Ugu horrayn Wasiirka  oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay qaabka ay uga qabsoomayso diiwaan gelinta Codbixiyeyaashu gobolka Badhan oo uu ka soo jeedo, waxaanu yidhi

 “Gobolka Badhan waxaa uu ka mid yahay gobollada Somaliland waxaanay uga qabsoomaysaa siday gobollada  kale ee dalka uga qabsoontay wax dhibaato ahina kama taagna waxaa kaliya ee jirtay wacyi gelin la’aan oo ciddii wacyigelinta la siiyay ayaan Ceerigaabo dhaafin taasina waxay ku timi waxay guddiga Doorashooyinku wacyigelinta siiyeen  Ururro Hargeysa joogay oo aan dadka iyo deegaanka aqoon u lahayn kuwaasina Ceerigaabo may dhaafin laakiin markii la arkay sida ay wax yihiin dib ayaa  la isugu noqday guddiga Doorashooyinkuna waxay ka cawdeen xagga kharashka.

Markaa Xukuumadda ayaa balan qaaday wacyigElinta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee gobollada Badhan iyo Sool waxaana loo dirayaa oo ka qeyb  qaadanaya ururrada bulshada ee deegaanadaas iyo madax dhaqameedka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana Hargeysa ka tegi doona oo deegaanadaa socdaal shaqo ku tegi doona Wefti weyn oo Xukuumadda a socda oo aan is qarinayn beenna aan ahayn.”

Wasiirka oo aanu wax ka waydiinay nin sheegtay in uu maamul goboleed Somaliland ka dhan ah Af-hayeen u yahay oo jooga degmada Xiingalool ee gobolka Badhan iyo nin sheegtay in uu u tartamayo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho Badhan ku yimi in ay taasi caqabad ku keenayso diiwaan gelinta codbixiyeyaasha,waxaanu kaga jawaabay .

“Horta meel  kasta qof balaayo sheeg ah lagama waayayo oo aadmigu ma wada fiicna laakiin ninkaa Xiin galool qolka madow ka hadlay warkiisu wuu dhammaaday oo intaan dawladduba gaadhin reerkiisii ayaa xidhay oo uu imika gacanta ugu jiraa ninka aad leedahay Madaxweyne Soomaaliya ayuu u sharaxnaana waxaan odhan karaa riwaayad aad daawadayaal lahayn ayuu dhigayay sababtoo ah Madaxweynaha Soomaaliya qol Xamar ku yaalla ayaa lagu dooranayaa ee dad uma codanayaan markaa nin qurba joog ah oo maalin Badhan ka qadeeyay ayaan warkiisa ku daynayaa laakiin bulshada gobolka Badhan waa Somaliland waanay ahaanayaan waligood qof khaldan iyo mid qaloocanina meel kasta way joogaan inta dunidu jirtana way jirayaan waxaa kale oo ay ogyihiin bulshadda gobolka Badhan in Somaliland Xukuumaddeedu ay wax badan gobolka ka qabatay wax hadhsanina way jiraan waxaa ugu darnayd xaaladii abaaraha ee dalka ku dhufatay oo laba goor ayay Gurmad qaran Xukuumaddu gaadhsiisay gobolka Badhan imikana waxyaabo badan oo horumar ah ayaa loo qorsheeyay oo laga hir galinaya haddii hore looga gaabiyayna imika waa markoodii oo waa markii waxqabadka bariga Somaliland.”

Wasiirka oo  aanu waydiinay sababta ay wasaaradiisu   dalku u sugi wayday soohdimaha dalka ee dhanka bari,ayaa ku jawaabay.

“Sugidda xuduudaha dalku waa waajib qaran oo aan ka noqosho lahayn waanay sugan yihiin intooda badan inta yare ee dhimanna waa la sugayaa waana xil qaran oo na saaran oo  aanaan cidna uga habranayn in aanu sugno ciidanka qarankuna dalka oo dhan wuu joogaa meel uu ka maqan yahayna ma jirto waxaanan ku ammaanaya xilka culus ee ay qaranka u hayaan ee ay hurdo iyo hadhba u diideen in ay ku noolaadaan.”

Wasiirka oo la weydiiyay  waxa uga meel yaal ka Xukuumad ahaan Buuhoodle oo aan toos ugu wada jirin gacanta Xukuumadda iyo sababta wasaaradda difaacu u sugi wayday Buuhoodle,waxaanu kaga hal celiyay

“Maanta Somaliland waxay jirtay 25 sanno,250-kaa sannadood,  waxay ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay nabad iyo wada hadal iyo isu garawshiiyo iyo  is qancin maantana waa la dhaafay wakhtigii dagaalka iyo qoriga Wasaaradda Gaashaan-dhiggu waxay u taagan tahay in ay dalka cadawga ka difaacdo taasoo ah shay lama taabtaan ah, laakiin xabad Somaliland ridday qorshahayaga maaha in ay cid reer Somaliland ah disho xabadda cadawga ayaynu iskaga celinaynaa dadkeenana wax-qabad iyo horumar iyo wada hadal ayaynu ku dhammaynaynaa meel kasta oo  tabasho ka jirto maanta Buuhoodle dalka intiisa kale wuu  ka hadhay oo wuu ka dambeeyaa waxaana ka reebay marba mid aan wax dan ah u hayn ayaa been ula soo gala oo ayaamo war aan jirin iyo in uu cirka malab uga keenayo ugu sheekeeya, laakiin taasi imika way soo gudhay xaqiiqadana way arkeen dadka Buuhoodlena Dawladda waxaa ka go’an in mashaariic horumarineed iyo kor u qaadida adeegyada bulshada in lagu horumariyo oo ay  dalka intiisa kale soo gaadhaan taasoo run ah ayaa Buuhoodle dawladda uga qorshaysan wada hadalona way socdaan meel fiican ayaanay imika marayaan waxaanan ku rejo waynahay in Buuhoodle oo dadkeeda iyo Xukuumaddu is fahmeen  oo wanaagga lala doonayo ay garteen in farxad lagaga ciido.”