Somaliland: Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada Oo La Filayo In La Kala Qaado

0
742

Waxa labadii bilood ee u dambeeyay isa soo taraya soo jeedimo badan oo lagu dalbanayo in la kala saaro labada doorasho ee Baarlamaanka iyo madaxtooyada oo mudaysan inay qabsoomaan bisha March ee kal dambe.

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda Somaliland ee soo jeediyay aragtidan lagu kala saarayo labada doorasho, ayaa waxay soo jeedintooda ku salaynayaan inaanu dalku qaadi karin in hal mar la wada qabto labada doorasho oo ah doorashooyinka dalka ugu culus, sidaas darteed waxay dhawr goor dalbadeen in la kala saaro.

Waxaanay siyaasiyiintani soo jeedinayaan in la soo horumariyo doorashada madaxtooyada oo dib loo dhigo doorashada golaha wakiilada. Golaha wakiilada ayaa la doortay sannadkii 2005, waxaanay ahayd inay kursiga ku fadhiyaan shan sannadood.

Madaxweyne Siilaanyo oo qaar ka mid ah dadka ka ag dhawdhawi ula tageen aragtidan, ayaa sheegay inuu cadeeyay inuu mawqif qaadan karo haddii ay saddexda xisbi ula tageen go’aan ay heshiis ku yihiin, balse uu iska fogaynayo talaabo kasta oo loo turjuman karo dib u dhac ku iman kara doorashooyinka.

Hadda, waxa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ku sugan shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiilada oo uu horkacayo guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaana soo baxaya warar sheegaya suurtogalnimada inay beesha caalamka ka wada hadlayaan qorshahan.