Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In Aanu Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre aanu Wax Lug Ah Ku Lahayn Heshiiska Maalgashe ee Dekedda Berbera

0
694

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad markale u qeexday inaanu ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boorre wax saamayn iyo farogalin ah ku lahayn heshiiska balaadhinta dekedda Berbera ee dhexmaray Somaliland iyo imaaraadka carabta.

Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo arrinkaas ka hadlay ayaa ugu horayn sharraxay faa”iidada dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta heshiiskaas, waxaana uu yidhi wasiirku:

“Dalkeenu muddo 25 sano ah ayuu ictiraaf doonayaa, ictiraafkuna wuxuu ku iman karaa masaalix aad dunida is dhaafsataan, haddii dhaqaalaha haystaa ay dalkaaga dano ka yeeshaan adiguna aad dano ka yeelato xafiisyo ayaa imanaya, safaarado ayaa imanaya,ganacsiba la isdhaafsanataa, madaxooda ayaa ku imanaysa kuwaaga ayaa tagaysa, baasaabooradiina ayaa isu furmaya markaa heshiiska dekedda Berbera dhinaca siyaasiga ah faa’iido badan ayuu ku leeyahay dhinaca ganasiga iyo baayac mushtarigana faa’iido badan ayuu ku leeyahay , in aad loo soo dhaweeyo oo ay umaddu sidaas u aragto ayaa muhiim ah”

Sidoo kale Wasiir Cali Mareexaan waxa uu beeniyey doorka la sheegay inuu Cabdiraxmaan boorre ku leeyahay heshiiska labada dhinac, waxaana uu Cali Mareexaan arrinkaas ka yidhi:

“Ina Boorre heshiiskaas meelna kama soo galo, Somaliland io imaaraatka ayuu heshiisku u dhexeeyaa, nin dalkiisiiba mustaafur kaga maqan nin wax inoo soo sida maaha, dawladda Jabuuti waa dad aynu walaalo nahay oo cid ku mucaarid ahi dalkeena raad kuma laha, nin uun heshiiska hor ordayay oo kamaradaha isu dhigayay meelahaa waa laga arkayay laakiin meel uu ka soo galaa majirto”.