Qaramadda Midoobay Oo Ka Marag Kacay Lix Doorasho Oo Si Dumquraadiyad Ah Somaliland Uga Qabsoomay 25-Kii Sanno Ee Ay Gooni Iskutaaga Ku Dhawaaqday.

0
897

Qarmadda Middoobay ayaa markii u horeysay bayaamisay isla markaana ka marag kacday horumarka ay Somaliland intii ay Xoriyaddeeda wixii Somalia laysku odhan jiray kala soo noqotay ka gaadhay dhinacyadda Dumquraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah iyada oo UN hoosta ka xariiqday in mudo 25 sanno ay Somaliland 6 doorasho oo kala duwan si qabsadeen, filayaana inay doorashadda soo socota sannadda 2017-ka loo balansan yahay qabsoomi doonto.

Uqaabilsana dhinacyadda Siyaasadda iyo Mucaawimooyinka qaramadda Midoobay ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Michael Keating, ayaa warbixintiisa todobaadlaha aheyd oo uu Xafiiskiisa dalka Jabuuti Qaramadda Midoobay ku leedahay uu ka soo saaray kaga hadlay dhinacyadda Siyaasadda, Gargaarka Aadahaba, Gabood Faraladda iyo Tacaddiga Caruurta iyo haweenka ee dalka Somali uu ka soo saaray, waxa uu qayb kooban oo warbixintiisa ka mid ah uu kaga hadlay doorashooyinkii kala duwana ee sida nabadgelyadda iyo Dumquraadiyadda ah ugu guuleysatay inay qabsaddaan mudadii 25-ka Sanno aheyd ee ay Xoriyaddooda Somalia kala soo noqdeen, waxaanu Ergaygu rajo weyn ka muujiyey inay doorashooyinka ay ta Madaxtimaddu ka mid tahay ee sannadda dambe ee 2017-ka loo balansan yahay ay Somaliland qabsan karto sidii looga bartay.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Somalia ahna Madaxa Ergada ee Taageerada Qaramada Midoobay sii so labadan waddan Mr Michael Keating oo ka hadlaayey rajadda ay qaramadda midoobay ka qabto inay sannadda dambe Somaliland doorashadda Madaxtimaddu ka qabsoomi karto wuxu yidhi

“Somaliland waxay hore u soo qabsatay 6 Doorashooyin oo kala duwan 25-kii sanno ee la soo dhaafay ee ay gooni isku taaga noqdeen, sida darteed waa la sameyn karaa oo way qabsan karaan doorashadda soo socota sannadka dambe”