Somaliland: Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Hargeysa Yimid Sheegayna In Uu Ku Biiro Doono Mid Ka Mid Ah Xisbiyada Qaranka Somaliland.

0
680

Prof Axmed Ismaciil Samater ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey  ka dib muddo sanad iyo badh  ah oo uu dalka ka maqanaa

Siyaasiga oo caawa hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa kula hadley wariye Badri Koosar oo ka tirsan suxufiyiinta telefishanka Star  Tv ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu shaaciyey in wakhtigani ay tahay wakhtigii uu go,aan  lahaa xisbigii uu ku biiri lahaa saddexda xisbi ee dalka ka jira

Sidoo kale waxaa uu Prof Samater uu is bar bar dhig ku sameyeey maalmaha  xuska 18 May Iyo 26 Junne waxaana uu sheegay in aragti ahaan uu qabo xuska 18 May in  ay ka weyn tahay maalintii uu dalkani uu dhashey ee 26 Junne.