Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada 4aad Iyo 8aad Oo Goobaha Qaar La Xidhay Imtixaankii Oo Socda.

0
733

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland ayaa ka warbixiyay imtixaanka shahaadiga oo laba cisho ka socda somaliland.

Guddoomiye Daa’uud Gadhwayne waxaa uu sheegay in shaqaaqooyin ay ka dhaceen Goobo lagu galiyay Imtixaanka Shahaadiga isagoo sheegay in macalimiinta qaar ay ardeydii siinayaan qishka imtixaanka oo ay goobana ka bilaabeen dagaal.

Guddoomiye Daa’uud waxaa kale oo uu sheegay in la xidhay qaar ka mida macalimiinta iyo Hal maamule oo lagu xidhay Gobolka Gabiley.sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye inuu xidhay goobo lagu galayay imtixaanka kadib markii uu dagaal ka dhacay gobahaasi.