Somalia: “Somaliland Mihiimad Qaran Ayay Leedahay Dalkuna Waa Mid” Madaxweynaha Maamulka Muqdisho

0
748

Madaxwaynaha Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay midnimadii Somaliland iyo Somalia soo celinayaan,waxaanu tilmaamay in duruufihii burburkii dawladnimo lagu kala duwan yahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in midnimadu mihiimad qaran leedahay,isagoo ka hadlayay barnaamij ka baxa Telefishanka afka xukuumadda Somalia ku hadlaya oo warbaahinta Toosh soo xigatay.

“Arrinta waqooyiga Somalia [Somaliland] mihiimad qaran ayay leedahay dal mid ah waayi dalkani dhinac kasta ka midaysan ,siyaasada lagu kala duwan yahya,duruufihii burburkii dawladnimada ka dhashay lagu kala duwan yahay,marka dagaal sokeeyo dhaco ee burburyimaado waxa la yidhahadaa isku aragti lagama ahay isku si xanuunku dadka umada wada taabbanayo”ayuu yidhi Xasan Sh.Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xusay inay qirsanyihiin in dhibaatooyin badan la gaadhsiiyay Somaliland,kaasi oo tilmaamay in arrinta dhibaatadaa sidii loo soo afjari lahaa wada xaajood loogu jiro.

“Dadkaa waqooyiga Somalida ah ee Waqooyiga Somalia degan [Somaliland]dhibaatooyin badan ayaa gaadhay oo magaca dawlada loogu gaystay,dawladii hore inkastoo dalka ay dhibaatooyin wada gaadhsiisay haddana waqooyiga [Somaliland] mid gaar ah ayaa gaadhay,aad iyo aadna way u xanuun badnayd,haseyeeshee nidaam dawladeed ayaa dhibatada gaystee qabaa’ilka Somaliyeed iyo umadda Somalida ee koonfurta degan may gaysan raalina kamay hayn .Haseyeeshee wixii ka dhacay weeyi dhibaatada aanu la tacaalaynaa”ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Madaxwaynaha Maamulka Muqdisho waxa uu sheegay inuu boggaadinayo wax qabad ka iyo horumarka Somaliland gaadhay laakiin mustaqabla Somalia marna kala tag aanu ku jirin.

“Waan ku bogaadinaynaa inay tallo gaadheen ,maamul samaysteen,dib u dhis-samaysteen,maanta deegaannadu qurxoonyihiin waanu ku faanaynaa waananu ku gobaadinaynaa,laakin mustaqbalka umaddan Somalia dalka la yidhaahdo marna kala tag kuma jiro,wax aan wada jir ku waynayna kuma helayno,waan rabnaa inaan wada xaajoog adag gallo,mustaqabka qaabayno ,in dawladnimo la isku raacsan yahay inaan dhisano ayaan rabnaa waana middaa taanu ugu jirno wada xaajoodka,isku soo noqoshada iyo walaalowga aad iyo aad ayaanu u xiisaynaynaa”ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Madaxwyanaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo horjeedsaday in gooni isku taaga Somaliland isagoo sheegay inay ku dadaalayaan Midnimada.