Somaliland: Kulan Ku Saabsan Hawl Galka Diiwangelinta Codbixiyayaasha Ee Gobolada Sanaag, Sool Iyo Buhoodle oo Ka Qabsoomay Madaxtooyada

0
649

Shir ku saabsan ka hawlgalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada Sanaag, Sool, iyo Buuhoodle ayaa ku qabsoomay qasriga madaxtooyada galabta, kaas oo ay ku kulmeen, komishanka Doorashooyinka, Asxaabta Qaranka iyo Xukuumadda.

Shirkan oo uu gudoominayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa iyaguna waxa xaadir ku ahaa badiba xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka oo uu horkacayo gudoomiyaha komishanka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Gudoomiyaha ahna Murashaxa xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade. Wasiiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinka u badan kuwa ka soo jeeda gobolada Bari.

Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay gudoomiyaha komishanka, iyo Maxamed Jaamac oo ka tirsan komishanka doorashooyinka, waxanay halkaa ka cadeeyeen inay dhamaystireen qabsoomida diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka sanaag oo ay ka bilaabmi doonto diiwaangelintu 15-July-2016 oo ah Ramadaan ka dib. Waxay sheegeen xubnaha komishanku inay diyaar yihiin barmaamijkii lagaga hawlgeli lahaa  diiwaangelinta gobolka sanaag, haday noqoto shaqaalihii, tababarkii loogu talogalay oo la siiyey shaqaalihii ka hawlgeli lahaa, gaadiidkii ka shaqayn lahaa iyo dhamaanba agabka lagaga hawlgeli gobolka sanaag oo wada diyaara, sugayana dhaqaajinta oo keliya.

Waxay intaa raaciyeen xubnaha komishanku in dhamaanba hawl wadeenada ka hawlgelaya ay yihiin kuwo ka soo jeeda gobolka sanaag, sidoo kalena gaadiidka ka shaqayn doona iyaguna ay yihiin kuwo laga qaatay isla gobolkaa.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Bari kuwaas oo iskala af noqday inay dadka degaamadaasi diyaar u yihiin inay si buuxda uga qaybgalaan doorashada loo qorsheeyey horaanta 2017.

Waxay ku nuux-nuuxsadeen in dadweynaha goboladaasi aanay dib danbaxaysa u yeelayn xildhibaano ku soo baxa isxambaar, balse xildhibaanadu ay ku iman doonaan doorasho ay u codeeyeen dadweynaha ay metelayaan.

Gudoomiyeyaasha iyo hogaanka asxaabta oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa uga markhaati kacay siyaasiyiinka ka soo jeeda gobolada Bariga in kormeero ay hore ugu soo mareen dhulkaasi ku ogaadeen sida ay dadweynaha jiidaasi ugu heellan yihiin inay ka qaybqaataan diiwaangelinta si ay u noqdaan codbixiyeyaal rasmiya doorashada soo socota.

Waxa iyaguna taageeray, tilmaamayna sida ay xaqiiqadu tahay in bulshada ku nool gobolada Barigu ay wadar ahaan ugu soo jeesteen, sida ay wax walba ugala mid ahaan lahaayeen bulshada reer Somaliland inteeda kale xubnaha xukuumadda ee halkaa ka hadlay.

Rog-rog iyo falanqayn dheer ka dib, waxa la isla qaatay:

  1. In wacyigelin dheeraada loo lahaado, oo ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha bulshooyinka goboladaa Bari, lana suurtogeliyo in tirada ugu badani isdiiwaangeliso.
  2. In mashaariicda horumarineed ee la qoondeeyey inay xukuumadu ka fuliso dhulkaasi la dedejiyo.
  3. In la hawlgeliyo madaxdhaqameedka aqoon yahanka, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta goboladaasi, si ay uga qayb qaataan hawsha muhimka ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
  4. In la sameeyo guddiyo isugu jira asxaabta qaranka iyo xukuumadda oo ka hawlgala, habsami u qabsoomida diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada Bari

Ugu danbayntii, madaxweyne ku xigeenku, wuxuu ku adkeeyey masuuliyiinta kulanka ka qaybgalay in hareeraha layska taago diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada Bariga oo ay Sanaag ugu horayso iyo sool oo ka danbaysa oo iyana bisha sideedaad badhtameheeda noqonaysa. Isagoo intaa raaciyey in qodobada la isla qaatayna  si dardari ku jirto loo fuliyo.

2-70-740x493 6-31-740x493