Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Wefti Shirguddoonka Guurtida Iyo Wakiilada Ah U Hoggaamiyay Dalka Kenya

0
778

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay u socdaalay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Weftigan oo ka kooban guddoomiye xigeenka labaad ee golaha wakiilada Md. Cali Yuusuf Axmed iyo guddoomiye xigeenka golaha guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa waxa uu socdaalkoodu ka dambeeyay ka dib martiqaad ay ka heleen wadamada beesha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in wadamada Somaliland taageeraa ay weftiga Somaliland kala hadli doonaan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan doorashada golaha wakiilada oo la muddeeyay in mar lala qabto doorashada madaxtooyada.