Somaliland: Xukuumadda JSL Oo Sheegtay Inay Maxkamad Caalami Ah La Tiigsanayso Taliyaha Laanta Socdaalka Somalia

0
731

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegtay inay maxkamad caalami ah la tiigsan doono Taliyaha laanta socdaalka Somalia General Gaafow oo uu ku eedaysay inuu Somaliland ka galay xadgudubyo tiro badan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdifataax Siciid Axmed oo warbaahinta magaalada Hargeysa kula hadlayay ayaa sheegay in maxkad la tiigsan doonaan Masuulkaa dalka Somalia u qaabilsan laanta socdaalka waxaana uu sidoo kale raaligalin udiray safaaradda Itoobiya ee magaalada Hargeysa oo uu sheegay inuu Gaafaw ku gafay.

Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Gaafaw wad ogtihiin dambi badan ayuu Somaliland ka galay, baryihii dagaalkii Siyaad Barre wuxuu ninkii intuu dadka reer Somaliland qabto ku odhan jiray Xarshin ayad ka timi oo baasaaboorka wad sheeganaysaa, markaa Gaafaw dambi ayuu Somaliland ka galay maxkamadna waanu saaraynaa”

Cabdifataax Siciid Axmed Agaasimaha wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ” Ta kale maalintii dhawayd ee uu lahaa saafarada Hargeysa jooga ayaa dadka tahriibaya Visaha siiya safaaradda Itoobiya ayuu u jeeday, Itoobiyana arrinkaas raalingalin wayn ayaanu ka siinaynaa”.