Somaliland: Qareenno Caalami Ah Oo Ku Hawlan Dhammaystirka Heshiiska Rasmiga Ah Ee Somaliland Iyo Shirkadda DP World.

0
688

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in garyaqaanno caalami ah gacanta ku hayaan dhammaystirka heshiiska ay la saxeexdeen shirkadda DP World ee dawladda Imaaraadka Carabta oo maalgelin iyo casriyeyn ku samayn doonta dekedda Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa saxaafadda u sheegay shalay in heshiiska hadda la kala saxeexday yahay mid hordhac ah, balse heshiiska rasmiga ah la dhammaystiri doono bilaha June iyo July ee sannadkan 2016, haddii Ilaahay yidhaa.

“Waxa aannu hadda kala saxeexannay heshiis hordhac ah, qaybta heshiiska ee ballaadhanna waxa ka shaqaynaya garyaqaanno caalami ah. Insha Allaah, waxa aannu rajaynaynaa inay dhammaato bisha June ilaa July ee innagu soo fool leh,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga oo qayb ka qaybgalay soo dhawayn ballaadhan oo Somaliland loogu sameeyey wefti ka socda shirkadda DP World oo safar shaqo ku yimmi magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa shalay.

Dhinaca kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ugu sarreeyaa shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo uu horkacayey Agaasimaha Guud ee shirkaddaas Mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem gelinkii dambe ee shalay.

Weftiga madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera ka soo degay subaxnimadii hore ee shalay, waxa ay kormeereen qaybaha kala duwan ee dekedda Berbera, iyagoo gelinkii dambe u gudbay dhinaca caasimadda Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay markii uu dhammaaday kulanka ay la yeesheen madaxweynaha, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska dhinacyada kala duwan khuseeya ay labada dhinaca kala saxeexdeen.

Wasiir Sacad oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey qorshaha iyo himilooyinka laga leeyahay maalgelinta dekedda caalamiga ah ee Berbera iyo heshiiska ay la galeen shirkadda DP World.

“Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta waxay leeyihiin xidhiidh aad iyo aad u fog oo taariikhi ah, ganacsi ayaa innaga dhexayn jiray muddo badan. Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa deggan oo ka ganacsada oo qaarkood ay leeyihiin dhalashada Imaaraadka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Waxa uu intaas ku daray, “Waxaan soo dhawaynaynaa maalgashiga Berbera, dhismaha iyo horumarka Berbera. Waxa la socda qaybta ganacsiga xorta ah lagu sameeyo (Free Zone) oo la mid ah sida qaybta Jabal Cali ee ku taal Imaaradda Dubai. Waxa kaloo ku lammaan isfaham guud oo aannu kala heshiinnay shirkaddaas, kana mid yihiin waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, beeraha, tamarta iyo xagga shaqo-abuurka oo labada dhinacba faa’iido u leh. Waxa kaloo aannu kala hadalnay dal-ku-galka ay ganacsatadeennu isticmaali doonaan oo ah sharciga ay dalkaa ku geli karaan, kuna joogi karaan, waxaanay naga ballanqaadeen inay arrintaas ka hawlgelayaan, codsina ugu qaddimayaan Amiirka dalkaas sidii loogu fudaydin lahaa arrintaas.”

“Heshiiskani waxa uu dhiirrigelinayaa dad badan oo danaynaya inay dalkan maalgaashadaan, marka dalka la maalgashadana shaqo ayaa ka abuurmaysa, taasina waxay inoo suurtogelinaysaa in aynnu maarayno dhallinyarada muwaaddiniinta ah ee shaqo la’aantu hayso, taasoo ah mudnaanta dawladan.”

Wasiirka oo sii faahfaahinayey heshiiska maalgelinta dekedda Berbera, waxa uu yidhi; “Mashruuca wejigiisa hore waa laba qaybood. Qayb waa dekedda iyo waxa laga qabanayo, waxana weeye in la ballaadhiyo, lana tayeeyo ee maaha uun waa la maamulayaa oo maamulka dekedda hore innagu waynu ku fillan nahay. Waxase weeye in dekedda la waynaynayo oo lagu darayo 400m marka hore, iyadoo mar dambena lagu dari doono 400M oo kale.”

Geesta kale, Wasiir Sacad waxa uu caddeeyey in heshiiskan aannu wax saamayn ah ku yeelanayn shaqaalaha waqtigan ka hawlgala dekedda Berbera, waxaannu yidhi; “Shaqaalaha ka shaqeeya dekeddu sidooda ayey uga shaqaynayaan. Arrintaas dhawr jeer ayaannu waydiinnay, waxayna sheegeen in shaqaalaha dekedda wax ku kordha mooyaane aanay waxba ka naaqusmayn. Markay arrintaa ka hadlayeen waxay yidhaahdeen in markii ay dekedda Jabuuti ka hawlgaleen shaqaalihii joogay wax ku kordhay mooyee aanay waxba ka naaqusmin.”

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in heshiiskan yahay mid dhexmaray labada dawladood ee Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ugu baaqay shacbiga Somaliland inay soo dhaweeyaan mashruucan oo uu ku sifeeyey mid albaab dhaqaale iyo siyaasadeed u furaya dalka, saaxiibbo badanna lagu kasbanayo.

Agaasimaha Guud ee shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa sheegay inay tahay markii u horreysay ee uu safar ku yimaad Somaliland, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay arrintaas.

“Waxaan booqday dekedda Berbera iyadoo uu gadhwadeen noo yahay Eng. Cali Xoor-xoor [Maareeyaha Dekedda Berbera], waanan ku farxay shaqada ka socotay iyo khibradda ay leeyihiin masuuliyiinta iyo hawlwadeennada dekedda ka shaqeeya oo aan runtii u qirayo inay hayaan shaqo wacan.

Socdaalkayagu waxa uu na geliyey kalsooni, waxaanuna ogaannay inay dekeddan tahay tii ku habboonayd heshiiska taariikhiga ah ee aabnu galnay, annagoo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskan oo ah mid ay wada galeen labada madaxweyne ee labada dal markii madaxweynaha Somaliland nagu soo booqday halkaas.

Waxa aannu labadayada dhinac ku heshiinnay in aannu dekedda Berbera ka qaadno sida ay tahay, kana dhigno deked caalami ah oo casriya oo leh aagga ganacsiga xorta ah iyo qaybaha la dhigo qalabka dekedaha. Waa heshiis dhexmaray laba dawladood, Imaaraadka iyo Somaliland iyo ummadahooda oo ay ku jiraan ganacsatada labada dhinac,” ayuu yidhi Agaasimaha Shirkadda DP World.

“Waxa aannu aaminnay halka Ilaahay (SWT) dhigay dekedda Berbera ee ay dunida kaga taal inay tahay meel wacan. Waxa kaloon ku faraxnay sida wanaagsan ee ay ugu xidhan tahay Itoobiya oo ku habboon koboca dadka iyo dhaqaalaha Itoobiya oo ay tahay dekeddii ku habboonayd inay u adeegto dadkaa tirada badan.”

Agaasime Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxa uu tibaaxay in qaybta ganacsiga ee xorta ah (free zone) ee dekedda Berbera ay noqon doonto goob soo jiidata ganacsatada caalamka oo faa’iido u yeelan doonto Somaliland, isagoo sheegay in shirkadoodu leedahay khibrad 30 sanno ah oo ay ku jirtay maamulka hawlaha dekedaha, isla markaana ay waqtigan gacanta ku hayaan dekeddo tiradoodu dhan tahay 77 goobood oo ku kala yaal 40 waddan oo dunida ah, gaar ahaan qaaradda Afrika sida dalalka Jabuuti, Masar, Algeria, Senegaal iyo qaar kaloo badan.

Su’aal warfidiyeennadu weydiiyeen labada masuul oo la xidhiidha doorka ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boorre ku leeyahay heshiiskan, waxa ka jawaabay Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World, waxaannu yidhi;

“Sheekadan ku-tidhi-ku-teenka ah hore ayaan u maqlay. Mr. Boorre wax shaqo ah kuma laha habayaraatee heshiiskan. Waxa heshiiskan dhacay muddo hore, waxannu u taagan yahay, kana turjumayaa heshiis dhexmaray laba dawladood, Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland, go’aanka in heshiiskan la galaana waxa lahaa labada madaxweyne ee labada dal.

Waa heshiis dhexmaray laba dawladood. Waxa saamilay ka ah (share holders) dawladda Somaliland iyo Imaaradda Dubai. Cid kale waxba kuma leh, Boorre-na hadalkiiba daa, wax dan ah oo uu ku leeyahayna ma jirto,” ayuu yidhi Sultan Ahmed Bin Sulayem.