Somaliland: Madaxweynaha Kenya Oo ka warwareegaya Inuu La Kulmo Xasan Sheekha Somaliya

0
684

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa ka war wareegaya inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalbaday inay yeeshaan kulan lagaga hadlo go’aanka ay dawladda Kenya ku sheegtay inay xidhayso xerada Qaxoontiga Dhadhaab.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dawladda Kenya ka gabatay inay qaabisho wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye oo maalmihii u dambeeyay dhex wareegayay magaalada Nayroobi si uu farriinta uu Xasan Sheekh kulankaas ku codsanayo u gaadhsiiyo Uhurru Kenyata, waxase ay wararku sheegeen in Wasiir Hadliye uu xataa ku guuldaraystay inuu arko wasiirka khaarajiga Kenya Aamina Maxamed.

Madaxweyne Kenyatta ayaa u muuqda inuu ka war-wareegayo inuu Xasan Sheekh ka dhagaysto dalabka uu Kenya kaga doonayo inay ka noqoto go’aankaas ay ku xidhayso xerada Qaxoontiga Dhadhaab.

Dawladda Kenya ayaa aaminsan in xeryaha qaxoontiga Somalidu ay ku jiraan ay hoy u tahay weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaado gudaha Kenya.