Somaliland: Wargeyska AL ITTIHAD Oo Is Barbar-dhig Ku Sameeyay Horumarka Dawladda Somaliland Iyo Dib u Dhaca Bariinsaday Somalia

0
608

Mowqifkii Dalka Imaaraadka Carabtu ka Taagnaa Somaliland Oo Isbedal Ku Yimid

“Xilli weli mushkilado ka taagan yihiin Soomaaliya, ayaa qeybtii hore ee Waqooyi oo loo yaqaan Jamhuuriyada Somaliland, oo madaxbanaanidooda ku dhawaaqay sannadkii 1991-kii, markii xukuumadii dhexe burburtay, ayaa mudadii ka dambaysay ka gaadhay horumar dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyadda oo abuuray jaamacado aqoonta kobciya,” ayaa lagu bilaabay warbixin wargeyska Al Ithihaad ee Imaaraadka Carabtu daabacay shalay.

Wabixintan oo uu diyaariyey qoraa lagu magacaabo Cali Al-Camuudi, ayaa intaas ku daray “Somaliland ayey afar madaxweyne iskaga dambeeyeen maamulkeeda, oo ku yimi nidaamka dooarshooyinka codadka sanaaduuqda, halka Soomaaliya ku sii dhacayso qalalaase, isla markaana haleeleen abaaro, dagaalo u dhexeeya qabaa’ilka, budhcad-badeed ku baahaysa iyo kooxo argagaxiso oo xidhiidh la leh AlQaacida.

Marka la barbar-dhigo muuqaalada argagaxa leh ee Soomaaliya, oo ciidamo ka socda Midowga Afrika ku dedaalayaan inay xasiliyaan, ayey dhinaca kale Somaliland ku naaloonaysaa xasilooni, amaan, dhisitaanka dalkooda iyo kobcinta horumarkooda.

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guulleed ayaa sheegay in horumarka Somaliland gaadhay, ku yimi aqoonta dadkiisu barteen, Illaa madax-banaanidii, si ay kaalin uga qaataan horumarka, taasoo keenaysa in dhaqaalaha dadka iyo dalkuna sare u kaco.

Prof. Saleebaan oo ka hadlayey muhiimada ay u aasaaseen jaamacada Cammuud, wuxuu yidhi “Waxbarashadu waa tallaabada lagula dagaalamo kooxaha.Waana qorshahii aanu u bilownay waxbarashada jaamacada Cammuud oo wakhtigan ka kooban 13 kuliyadood, oo iskaashi la leh jaamacadaha caalamka.”

Wargeyska AL ITTIHAD oo ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta, kuna dhaqmi jiray siyaasada wadamada Jaamacada Carabta, marka laga hadlayo arrimaha Geeska Afrika-na, xigan jiray mowqifka Muqdisho ka taagan tahay, ayaa wakhtigan u muuqda mid bedalay siyaasadiisii hore, maadama uu daabacayo warbixin isbarbardhig ku samaynaysa dedaalada xukuumada Somaliland ugu heelan tahay horumarka wadanka iyo dib-udhaca ka muuqda Soomaaliya.