Somaliland: Wasiir Warancade Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco

0
616

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland ay maant markii u horeysa ka hadlay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay xildhibaanada golaha degaanka degmada burco,kaasi oo sababay in xildhibanada golaha deegaanka burco u kala jabaan laba garab isla markaana garabkii kasoo horjeeday maayarka burco ay shalay ku dhawaqeen maayar cusub oo hagi doona.
Wasiirka oo arimahasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi sida tan.

“Horta arinkaa muranku waa jiray had iyo jeerna waa lagu murmaa golayasha deeganka oo wad ogtihiinoo doorashooyin ayaa lagu yimaadaa, markastena waxa jira o lagama maarmaan ah sharciba inoo yaala wasaaradda ayanay hoos yimaadan dawladaha hoose markaa sharciga ayuunba loo maraa hadii shaqada laysku garana wayo laakiiin arintan malintii dhawayd dhacday waaanu ka xunahay waxaana maayarka lagu ridaaa tirada ugu badan haday israacan dabadeedna waxa loo keenaa gudoomiyaha gobolka, gudoomiyuhun aniga ayuu ii keenaa dabadeedna sharciga ayan waafajinaa”Sidaaas ayuu yidhi Wasiir Cali WaranCade

Dhanka kale wasiir Waran Cadde Wax uu ka dhawajiyay inaanay magalada burco lahayn laba mayir uun mayirka magalada burco yahay mayir Muraad,isaga oo sheegay inuu wadanku yahay mid horumaray waxana uu tibaxay sharciga xilka lagaga qaadi karo mayarka.

“Horta Waxan shacabka reer somaliland u sheegaya inanay burco laba mayar lahayn, wadankeenuna wuu dhaafay wakhtigii dadka qaarkii waxay doonan ay samayn jireen, burco waxay leedahay mayir kaliya sharcibaana lagu doortay si shaarciya ayaaanu kaga tagi karaa golaha deegaankuna way yaqaana sid mayir xilka lagaga qaado iyo sharcigaba”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Waran Cadde.

Si kasteb ha ahaatee wa markii u horeysay ee wasaarada arimaha gudaha somalilnd ay ka hadasho khilafka xoogan eek a dhex taagan goolaha deeganka burco oo maraya marxaladii ugu xumayd iyga oo xildhibaanada maayarka ku mucaradka ahna ay doorteen maayar cusub.