Somaliland: Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Dawladooda ka Dalbaday Inay Guddi u Magacowdo Qiimaynta Madax-banaanida Somaliland

0
654

“Waxaan Ugu Baaqayaa Xukuumada Ingiriiska Inay u Magacowdo Guddi Madax-banaan oo Qiimayn Ku Sameeya Qadiyadda Madax-banaanida Iyo In Loo Aqoonsado..” Xildhibaan Mr. Stephen Doughty

Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shalay loo gudbiyey mooshin lagaga dalbanayo xukuumadda Britain inay magacowdo guddi madax-banaan oo dib u eegis ku sameeya qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Mooshinka oo xildhibaan Mr. Stephen Doughty, u gudbiyey baarlamaanka shalay, isla markaana ay saxeexeen xildhibaanno tiradoodu gaadhayso toban oo ka kooban dhammaan xisbiyada muxaafidka iyo mucaaridka ee Ingiriiska ayaa u dhignaa sidan:

“Aqalkani waxuu ku hambalyeynayaa shacabka Somaliland debaal-dega ay ku xusayaan sannad-guurada 25aad ee dib ula soo-noqoshada madaxbanaanidooda, wuxuu aqoonsan yahay xidhiidhka taariikheed qotada dheer ee u dhexeeyey Somaliland iyo Boqortooyada midowday; soo dhoweynaysaa iskaashiga u dhexeeya xukuumada Ingiriiska iyo Somaliland ee ku saabsan taageerida hay’adaha dimoqraadiyada, gaar ahaan hawlaha ay wadaan hay’adda gargaarka caalamiga iyo ciidamada Ingiriiska, rumaysan yahay in Somaliland kasbatay, una qalanto taageerida iyo dhiirigelinta beesha caalamka.”

Mooshinka xildhibaan Mr. Doughty oo si weyn u taageera qadiyadda dib u aqoonsiga madax-banaanida Somaliland u gudbiyey baarlamaanka Ingiriiska shalay ayaa la raaciyey,

“Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada Ingiriiska inay u magacowdo guddi madaxbanaan oo qiimayn ku sameeya qadiyadda madaxbanaanida, iyo in loo aqoonsado dal madax-banaan, iyadoo la ogsoon yahay horumarkii 25 sannadood ka samaysay dhinacyada dimuqraadiyada iyo is-maamulka, kuna suntanaatay ubucdii xasiloonida iyo horumarka, iyadoo ku taalla gobolka adduunka ugu qalalaasaha badan.”

Dhinaca kale, xildhibaan Mr. Clive Betts, oo madax u ah guddiga goleyaasha deegaanka iyo bulshada oo ka hadlayey dood baarlamaanka Ingiriisku shalay kaga arrinsanayey kaabayaasha iyo gaadiidka, ayaa kaga hadlay taageeradiisa guddiga madax-banaan ee loogu baaqay xukuumadda Ingiriisku inay u magacowdo qadiyadda Somaliland.

Mr. Betts oo ka hadlayey wuxuu yidhi “Somaliland waa dimuqraadi, laakiin ma aqoonsana beesha caalamku. Waan dareensanahay, mushkilada xukuumada Ingiriiska, inay noqoto dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland. Laakiin keliya waxaan weydiisanayaa in xukuumada Ingiriisku u holato, u dhaqaaqdo, aqbasho, oo dhiirigeliso guddi caalami ah oo qiimayn ku sameeya in mustawaha Somaliland u muuqato xilligan yahay xaqiiqadii de facto, dal madax-banaan.”

Mooshinkan xildhibaanada baarlamaanka Ingiriisku gudbiyeen oo ku yimi dedaalo shacabka Somaliland gudo iyo dibed iyo Wasaarada Arrimaha Dibedda oo kaashanaysa guddiga Qaran ee Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilaanyo dhowaan magacaabay ictiraaf-raadintu sameeyeen, ayaa inkastoo aan la shaacin xilliga doodiisu bilaabmi doonto, ayaa wax weyn ka tari doona fahamka qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ee baarlamaanka Ingiriiska oo markii labaad si rasmi ah uga doodi doona, marka laga yimaado su’aalo ku saabsan qadiyadda Somaliland xilliyo kala duwan u soo jeedin jireen xildhibaanada taageera Somaliland.

Dawan