Somaliland: Xildhibaan Clive Betts MP oo Ingiriis Ah ayaa Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Hormuud Ka Noqoto U Doodista Somaliland

0
740

Xildhibaan Clive Betts oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dawladda Ingiriiska ugu baaqay inay hormuud ka noqoto dhaqdhaqaaqyada aqoonsiga loogu raadinayo Ingiriiska.

Xildhibaan Clive Betts , oo hadal ka jeediyay fadhigii Baarlamaanka Ingiriiska ee 19 May, wuxuu kaga waramay taariikhda Somaliland ay soo martay iyo dhibaatadii ay kala kulantay Midowgii Somaliya, waxaanu sheegay in reer Somaliland iska tuureen heeryadii keligii taliyaha, ka dibna ay soo ceshadeen xorriyadoodii ka luntay.

“Somaliland waa Dimuqraadi, laakiin bulshada caalamku may aqoonsanin. Waan ogahay inay Ingiriiska ku adagtahay inuu noqdo dalka u horeeya ee aqoonsada Somaliland, laakiin waxaan ka codsanayaa, dawladda Somaliland iyo bulshaduna naga codsanayaan in dawladda Ingiriisku ugu yaraan ay balan qaad samayso inay aqbali doonaan, aqoonsan doonaan iyo inay dhiirigeliyaan guddi madaxbanaan oo eegta in Somaliland tahay qaran madaxbanaan, laakiin aanay beesha caalamku aqoonsan.” ayuu yidhi xildhibaanku.