“Somaliland Waxa Ku Xeeran Cadowyo Badan Oo Gudaha Jira, Oo Hanti Badan Ku Helay Somaliland Intii Ay Jirtay” Sheekh Aadan Siiro

0
225

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo Heshiiskii Umaddu wada gaadhay ee lagu dhisay Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo farta ku fiiqay Dad gudaha Dalka ku sugan oo doonaya inay Wiiqaan Qaranimada Dalka.

Sheekha oo Khudbadda Jimcaha ee Shalay, waxa kale oo uu kaga hadlay Nin uu sheegay inuu Hargeysa ka qorayo Dad Reer Somaliland ah oo ka qayb-gala baarlmaanka soo socda ee Soomaaliya.

Sheekh Aadan, oo ugu horeyn ka hadlaya Cadowga Somaliland ku xeeran iyo kuwa gudihiisa ku sugan, ayaa yidhi,

“Somaliland waxa ku xeerann Cadowyo badan oo gudaha jira, oo Hanti badan ku helay Somaliland intii ay jirtay, oo Magacyo badan ku helay intii Dalku jiray. Kuwaasi waxay ku matalaan Midabyo badan, mararka ay Dano badan ka leeyihiin Somaliland waxay ku matalaan Shaadh-diimeed oo Qurux badan, mararka qaarkood waxay ku matalaan Ganacsi xoog badan oo ay ku helaan Somaliland, mararka qaarkood waxay ku matalaan Dad Siyaasiyiin ah oo hormood ka ah Dalka gudihiisa, iyadoo laga hayo Waraaqo iyo hadallo Dhukumanti ah, kuwaasi oo ah (Caddeynaya) inay inta badan ku hawlan yihiin dibin-daabyada Ummaddan 50 Sannadood soo rafaadeysay. Arrintaa waxaan Ka Tacsiyadeynayaa kuwii inta badan Dhiiggooda, Naftooda iyo Hantidooda geliyey inaynu Nabad helo, inay Maanta uga dheefsi badan yihiin Dalka kuwaa Wakhtiga badan geliya (Dibib-daabyada Somaliland), yihiinna kuwaasi uga dhuun-daloola ee Hantida Ummadda aadka uga faa’ideysta.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay,

“Waxaan ka hadlayaa, Waxa Diintu ka Qabto Ballamaha Dadku wada galaan, ee ay ka mid tahay Heshiiskaa 25-ka sannadood jiray in Qof keli ahi khilaafo ama Kooxi ay khilaafto ama in dano lihi markay danaheeda ka waydo ay doonto inay Dibin-daabyo ku samayso. Sheekha la yidhaahdo Al-imaamu Jawhari, ayaa ka hadlay ballanka Ummadeed oo la buriyo, wuxuu yidhi Burin waxa la yidhaahdaa ‘Iyadoo la dumiyo dhisme aad dhistay’. Heshiiska aynu wada galnay waa ka aynu Masaajidka ku fadhino, waaka Ardaydu ku tagayaan Dugsiyada, heshiiska aynu wada galnay waaka keenaya in Hooyooyinka Agoonta haysta ee waxoogii lagu ritay (Qaatay) ay Aroorta hore Daasadaha ula fadhiyaan Waddooyinka, si u helaan waxay Maalintii Afka geliyaan. Sidaa daraadeed, Ninka u haysta Marxalad ku meel-gaadh ah oo Ummadi kaga gudbayaan Marxalad ama Koox is ogi ku faa’ideysanayaan, waxaanu leenahay kaasi wuu hoogay oo muu fahmin wixii Ummadani soo martay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey Sababaha keenaya in Shacabka Gobolka Sool qaarkood wax ka tawdaan Somaliland inteeda kale, “Waxaad maqasheen Laascaanood bay Tabasho jirtaa, Dadku inay wax tawdaan waa u basher, Dadku inay wax diidaan oo ay wax arkaan Waa u Bashar, Waayo ? waxa lagu Heshiiyey in Gobollada bariga lagu Horumariyo 2.5%, taa Macnaheedu waxa weeyaan in Magaalo kasta oo Bariga ku taalla in Bil walba Iskuul laga sameeyo, taa Macnaheedu waxay tahay in Magaalo kasta oo Sanaag iyo Sool ah bil walba Ceel laga sameeyo, taa Macnaheedu waxay tahay in Degmo walba Jaamacad laga helo, in Saldhig Booliis laga helo, in Dhakhtar laga helo, taa Macnaheedu waxa weeyaan in Xoolaha iyo wax kasta oo Dadku u baahan yihiin la horumariyo oo la siiyo Dadka. Laakiin Somalilandta Maanta jirta waxa lagu heshiiyey in 2.5% loogu talo-galay Bariga in Hargeysa lagu isticmaalo, oo ay isticmaalaan kooxo is o goo bariga u dhashay, oo ay isticmaalaan kooxo is-og oo Maamulka ka tirsan. Bani-aadamka Caddaalad baa deeqda, Xoog ma jiro, waayo? Haddii Xoog jiro Maxamed Siyaad Barre oo haystay Lixdan kun oo Ciidan ah iyo Tiknikadaad ogeyd haystay baa Dalkan (Somaliland) xoog ku hayn lahaa. Bani-aadamka waxa lagu xukumaa Caddaalad, Wax wada lahaanshiyo, Bani-aadamka waxa lagu xukumaa Qancin, Waayo? Rag Gogoshii waa Nabad, Ummad Gogosheed waa Wax wada Lahaansho. Somalilandta aanu doonaynaa waa Mid Bari iyo Galbeed la wada leeyahay, Somalilandta aanu ka hadlaynaa waa Mid Talada iyo Hantida ay u siman yihiin Dadka Meesha ku wada Nooli, ta aanu doonaynaa waa tii ay Dadkii Saalixiinta ahaa ee garanayey Tawxiidka.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha ee Shalay ku soo hadal qaaday Nin uu sheegay inuu Hargeysa ka qorayo Dad Reer Somaliland ah oo ka qayb-gala baarlamaanka Cusub ee loo dhisayo Soomaaliya, isagoo Sheekhu layaab ka muujiyey Sababta Laamaha Ammaanku tallaabo uga qaadi waayeen Ninkaasi, “Miyeynu rumaysanaynaa, iyadoo Maamulkii iyo Ciidamadu joogaan, in la yidhaahdo Nin la garanayo ayaa Qalin iyo Warqad Hargeysa la dhex war-wareegaya oo leh yaa ka qayb-gelaya Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya, taasi sow Maaha kala Diris, waxaase layaab leh in aanay Dadka noocaas ah Arrinkooda ka jawaabin Hay’adaha badan ee Mushaharka u qaata waxa Maatida laga ururiyo ee u badsada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey,

“Ninka Maanta leh Heshiiskii (Somaliland lagu dhisay) baan furfurayaa, ama Wadaad ha noqdo ama ha noqdo Nin taajir ah oo Dadkaa Agoonta ka lacageystay ha noqdo ama Nin Siyaasiya oo Magac weyn leh oo Tan Wax ku noqday isagoo markii hore kabo la’aa ha noqdee, muxuu kaasi Dadka u hayaa. Haddii la buriyo Ballan ka dhexeeya Dad Muslimiin ah Dilkooda ayaa bata ayuu yidhi Rasuulku (CSW) oo dhimashada ayaa ku badata.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu si gaar ah Farriin ugu diray Dadka Neceb Somaliland, waxaanu yidhi,

“Waxaanu halkan Farriin uga direynaa inta Neceb Somaliland iyo inta Jecel Somaliland. Inta Somaliland neceb waxaanu leenahay adeer Meeshan waxa lagu aasaasay dhiig ummadeed, waxa loo soo maray Halgan dheer oo taariikh leh, waxaana joojin kara ILAAHAY (SW) oo keliya, waxaanu u digeynaa kuwa ku dhex jira ee Hantida badan ka helay, waxaanu leenahay waxa iman doonto Dawlad soo jeedda, waxa iman doona Dad Caqligoodu soo jeedo, waxa iman doono Dadkii ILAAHAY ugu talo-galay inay Dalkan hoggaamiyaan, waxaana iman doonto in Qofkaa lagula Xisaabtamo intuu Somaliland yeelay. Inta Somaliland hoggaamineysa waxaan leeyahay, Dalku wuxuu u baahan yahay soo jeed badan, dadku waxay u baahan yihiin Wacyi-gelin badan, Dalku wuxuu u baadan in Madaarrada iyo xuduudihiisa lala socdo dhaqdhaqaaqyada badan ee ka socda.”

Comments

comments