Somaliland: 7 Qof Oo Maydad Isku Xidhan Ah ayaa Maanta Hargeisa Goob Dhisme Guri Ka Socday Laga Soo Saaray

0
723

Xaafada Xidigta Ee Degmada Maxamuud Haybe Ee Magaalada hargeisa Ayaa maanta waxa laga helay maydadka Todoba Qof oo ahaa dadkii xasuuqa loo gaystay sida loo malaynayo sanadkii 1899 isla markaana uu u gaysteen dawladi kaligii taliska ahayd ee Siyaad Barre.

Waxaana todobadan ay kuwada aasnaayeen goob kaliya iyaga oo maydadkanina iskugu jiray rag iyo caruur yar yar.

Dhulkan laga helay maydadka dadka ayaa waxa laga waday dhisme guri waxana shaqaalaha guriga dhismihiisa ka shaqaynayay ay noo sheegen in maalintii shalay ay arkeen maydadkan iyaga oo sheegay inay markii u horeysayba ay arkeen todobada madax oo ay ku jiraan caruur yar yar maantana ay soo sareen lafaha maydadkan.

Marwo Farax Faarax Cali oo kamida qoyska leh gurigan dhismahiisu socdo waxaana ay sheegtay in maalinkii shalay ay arkeen maydadka dadkan iyada oo sido kalena sheegtay inan ilaa hada aanay cidi u imaan maydadkan anayna aasin, waxaan ay baaq u dirtay xukumadda Somaliland iyo mamaulka dawlada hoose iyada oo arimahaasi ka hadlaysana waxya tidhi.

“Shalay uunbaan aragnay maydadkan markii guriga seeskiisa la jeexayay, laba nin oo boolis ah Ayaan u sheegnay waa laydin imanayaa ayay nagu dheheen ilaa hadana cid noo timi ma jirto oo qaaday maydankan,dadkan waa todoba ruux oo caruuri ku jirto sida aan ku aragnay madaxyada dadka,xu kumadda iyo mamulk dawlada hooseba waxaan ugu baaqaynaa in nalaga qaado maydka oo la aaso waxana u malaynaynaa inay yihiin dadkii la xasuuqay 1988, waxaaba nagaga sii daran caruutii iyo dumarkii ayaa looga tag la’ yahay oo uso daawasho tagay maydadkan markaa xukumadda waxan leanahay hanalaga qaado maydadaka oo la aaso”sidaas ayay hadalkeeda kusoo koobtay Farax.

Maydadaka dadkan ayaa ah kuwo muddo badan ku aasnaa xabaasha isla markaa iskugu jiray caruur iyo rag waxaana loo malaynayaa inay ahaayeen qoys dhan oo meel kuwada nolaa, waxaaa wali ay maydadka dadkani ay yaalaan goobtii laga soo saaray iyada oo aanay wali jirin cid u tagtay oo ka socota xukumadda iyo dawlada hoose toona.