Somaliland: Sidee Gobalada Iyo Degmooyinka Somaliland Looga Xusay 18 May?

0
814

obalada iyo degmooyinka Somaliland ayaa si balaadhan looga xusay munaasibada 25 guurada ka soo wareegtay maalintii 18 May 1991 ee lagu dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.1

Hargeysa

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu Madaxweyne Siilaanyo shacabka kala qayb galay ayaa si weyn looga dabaal degay munaasibadan. Ciidamada kala duwan, gaadiidkooda iyo shacabka reer Hargeysa  oo calanka ku jeeni qaaran ayaa soo maray jidka wadnaha ee Hargeysa. Waxyaabaha cajiibka ah ee Hargeysa shalay lagu arkay waxa ka mid ahaa xoolihii iyo dugaagii halista ahaa oo jidka wada maray. Waxa jidka marayay Geel, Adhi, Lo’, dameero iyo libaaxyo iyagu ku jiray baabuur qufulan, kuwaas oo dhammaantood lagu shaqlay calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee saddexda midab leh.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shacabka u jeediyay khudbad ka koobnayd dhawr bog, taas oo uu kaga hadlay taariikhda Somaliland iyo sida aanay mar dambe  ugu noqonayn midnimadii Somaliya ee lagu hoday.

Borama

Magaalada Borama, dadweynaha ayaa isugu soo baxay fagaaraha khayriyada ee magaaladaas, waxaana dadweynaha oo aad u dabaal degayay khudbado u jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE.

Murashaxa madaxweyne ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir ayaa shacabka u jeediyay khudbado ay kaga hadleen taariikhda Somaliland iyo ahmiyada ay maalinta 18 May u leedahay Somaliland.

Burco

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo badhasaabka gobalka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa iyaguna horkacayay wufuuda dawladda ka tirsan ee shacbaka reer Togdheer kala qayb gashay xuska maalinta Qaranimada Somaliland. Burco ayaa ah magaaladii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Lascanod

Magaalada Lascanod ee xarunta gobalka Sool oo ay ku suganyihiin masuuliyiin dawladda ka tirsan oo gobalkaas ka soo jeeda, ayaa markii u horaysay si ka weyn sidii looga xusi jiray sannadihii hore looga dabaal-degay. Dadka ayaa isugu soo baxay goob fagaare ah, waxaana dadweynaha khudbado u jeediyay wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac iyo masuliyiin kale.

Dhinaca kale, dhallinyaro u muuqday in la soo abaabulay ayaa markii dambe sameeyay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xuska maalinta Qaranimada Somaliland, waxaana dhallinyaradaas oo rabshado sameeyay kala dareeriyay ciidamada Booliska, waxaana rasaastii Booliska ku dhaawacmay mid ka mid ah dhallinyaradi rabshadaha sameeyay. Munaasibaddaa waxa ka hadlay badhasaabka Gobolka Laascaanood Mustafe Cabdi Ciise Shiine.

Ceerigaabo

Dadweynaha reer Ceerigaabo, ayaa isu abaabulay qaab ka heer sareeya qaababkii hore, waxaanay dadweynuhu habeen hore ilaa shalay isugu soo baxayeen badhtamaha magaalada, iyadoo khudbado looga jeediyay fagaaraha magaalada Ceerigaabo.

Berbera:

Magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil, ayaa iyadana si balaadhan looga xusay maalinta 18 iyo 25 guuradeeda, waxaana dadweynaha fagaaraha khayriyada looga qaadayay heeso wadani ah oo ay koox fanaaniin ahi ka tumaysay. Sidoo kale madaxda gobalka iyo kuwa heer qaran ah ayaa khudbado u jeediyay dadweynaha reer Berbera.

Geesta kale, magaalooyinka Sheekh, Gabiley, Baligubadle, Salaxley iyo Wajaale ayaa lagu qabtay munaasibado la isugu soo baxay oo loogu dabaal degayay maalinta 18 May, waxaana halkaas khudbado ka jeediyay masuuliyiin iyo madax dhaqameed shacabka uga waramay ahmiyada ay leedahay 18 May iyo la soo noqoshada xorriyadii Somaliland ee luntay sannadkii lixdankii.

Dalalka dibadda, waxa iyagana lagu qabtay munaasibado ay jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaas degeni ugu dabaal degayaan maalinta qarankooda ee 18 May.

 

Gabiley: