Somaliland: Maamul Goboleedka Puntland Oo Hanjabaad Culus Hawada U Soo Mariyey Somaliland

0
726

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo la hadlayay TV-ga dowladda, ayaa ka warbixiyay shaqaaqo shalay ka dhacday magalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, taasi oo la sheegay in dhaawacyo ay ka soo gaadheen dad rayid ah.

Soocadde, ayaa tilmaamay in arrintaasi ka xunyihiin islamarkaana aysan u dul-qaadan karin dhibaatada lagu hayo shacabka gobolkaasi, isagoo eedayn usoo jeediyay Xukuumada Somaliland oo ku dhaliilay inay tacadiyo aan xad lahay kula kaco shacab ka shaqaynaya hormarka degaankooda.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan Puntland dulqaadkii ka dhammaaday islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan, isagoo carrabka ku dhuftay inay kasoo dhammaatay dulqaad muddo dheer oo gobolka xaaladdiisa ku saabsanayd.

Wasiirka ayaa beesha caalamka u sheegay in tallaabadaasi wixii kasoo baxa mas’uuliyadeeda qaadan doonto Somaliland, isagoo shacabka deegaanka ugu baaqay inay u istaagaan difaaca ciidooda islamarkaana ka fogaadaan waxyaabaha kala qaybinaya iyo mabaadi’da ay kala aaminsanyihiin.
Rabshaddan ayaa ka dhalatay xuska 18 May, 25 sano guuradii kasoo wareegtay gooni isu taaga Somaliland, Iyadoo Koox dad ah oo ka cadhaysnaa qabsoomida Xuskaasi ay isku dhaceen ciidamada amaanka Warku wuxuu intaas ku darayaa in halkaasi uu dhashay dhaawac soo gaadhay dibad baxayaasha iyo Sidoo kale Nabaro la gaadhsiiyey Ciidamada.