Somaliland: Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku Hambalyeey Shacabka Somaliland Maalinta Qaranimada ee 18 May

0
780

Guddoomiyaha XIsbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xuska sannad guurada 25-aad ee 18-may oo shalay si balaadhan loo xusay, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland u diray hambalyo, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu diray Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ka dheeraadan qabyaalada, una midoobaan danta dalka, waxaanu yidhi

“Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqaya wada jir iyo inay iska dhaafan qabyaalada, una midoobaan sidii ay danta dalkooda uga wada shaqeeyn lahaayeen, waxaana munaasibadda xuska 18 may darteed hambalyo u dirayaa Ciidanka qalabka sida, Ciidanka nabadgalyada maxaa yeelay ILLAAHAY ka sakow Ciidamadu waa kuwa inaynu ku seexano, ee amaankeena suga, waxaana iyaga leeyahay si gaar ah hambalyo, waxaana sidoo kale hambalyo u dirayaa Shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ILLAAHAYNA sannadkan sannadkiisa bash bash iyo barwaaqo iyo nabad qab ha inagu gaadhsiiyo”

Geeska