Somaliland: Nuxurka Khudbadda Guddoomiyaha KULMIYE ka Jeediyey Magaaladda Boorama ee Munaasibadda 18-ka May

0
874

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi, ayaa isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa kala qaybgaleen shacabka reer Boorama ee xarunta Gobolka Awdal munaasibadda 25 guurada ka soo wareegtay maalinta dib-ula-soo noqoshada qaranimada

Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda 18-ka May oo ka dhacday Garoonka kubadda cagta Xaaji Daahir
Stadium ee magaalada Boorama, waxay u dhignayd sidan;
Xuska 18 May Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta 18 May imaado magaaladaydii Boorama ee aan ku barbaaray, waxna ku bartay. Boorama ama Gobolka Awdal waa saldhiggii laga aasaasay Qaranimada Somaliland, markaad eegto doorkii ay ku lahayd dib-u-heshiisinta, nabadaynta iyo ikhtiraacidda astaamaha qaranimada ee ay ka mid yihiin Calanka iyo heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbiga KULMIYE iyo waxqabadkiisa:

KULMIYE wuxuu ahaa xisbiga keliya ee dadka la galay heshiis ee intuu qoraal qoray yidhi waxaannu ku shaqaynaynaa qoraalkaa, barmaamijkiina badankiisii 90% waanu dhammaynay, laakiin taa macnaheedu maaha qabyadeenii baa dhammaatay ee weli qabyo badan baa inoo taal.

Haddaanu KULMIYE nahay aragtida aannu ka duulnaa waxa weeye markaad buur fuushaba weli waxa kaa horraysa buur kale, taana waxa gaadha dadka adkaysiga iyo
hamiga dheer leh ee doonaya inay dalkooda horumariyaan, markaa mabda’aasi ayaanu ku soconaa ee buurta dheer baanu u soconnaa oo waanu gaadhi doonaa.

Waxa la xusay waxqabadka gobolka dhismaha waddada 20KM ee Dila iyo Boorama, innaguma filna ee way nagu yartahay, dawladda soo socotaa haddii Alle yidhaa waxay bilaabi doontaa waddada isku xidha Lowyo-caddo iyo Boorama, maaha in laamidu ku eekaato Boorama ee waa inay gaadhaa Lowyo-caddo oo ay jiidhaa dariiqa aynu garanayno, taasaynu u soconaa.

Dhibaatada kale ee inna haysataa waxa weeye shaqo la’aanta, dhallinyaradeenna oo mutacalimiin ah maanta waynu ognahay, qarsanmayno ee sidaynu uga baxnaa weeye, haddaba si aynu shaqo la’aanta uga baxno waa saddex qodob;
Kow, Somaliland waa inay sharciga u sinnaataa, Koonfur waxaynu uga go’nay ee aynu gobonimada ula soo noqonay waxa weeye sinnaansho ayeynu ka waynay, markaa dhicimayso in Somaliland sinnaanwaydo, maxay qaladaadka qaarkood u dhacayaan? Weli dhibaatadii dagaalka ayaa jiitamaysa oo waxa innagu dhacday go’doon uu gobol waliba gooni u go’doomay, inanka jaamacadda ka baxay ee Boorama joogaa hadduu imtixaan shaqo is yidhaa Hargeysa u doono waxaaba laga yaabaa labada habeen ee uu joogo inay dhibaato ku noqoto kharashka noloshiisu, waxa laga yaabaa inuu is yidhaa imtixaanka helimaysid oo qolaa meesha haysata oo waa lagu garbinayaa.

Waxaynu ku dadaalaynaa shanta sanno ee soo socda in aynu taa ka baxno oo innaga oo iskaashanayna in inanka Boorama joogaa uu shaqo tagi karo Badhan, ka Laascaanood joogaana wuu Boorama iman karo oo uu ka shaqaysan karo isagoo isku kalsoon oo aan cidna ka baqayn, cidna aan garab ka doonayn, taana waxaynu helaynaa. Arrintaa waxaynu helaynaa markaynu u midowno, laakiin hadaynaan taa u midoobin oo aynaan u wada hawlgalin qof keliya waxba ma beddeli karo.

Laba, waa nabadda iyo inaynu wada ilaalino jiritaankeeda.

Saddex, waa kala dambaynta dawladnimo.

Markaynu intaa helno dhaqaale ayaa imanaya, tijaarteena dhaqaalaha haysata ee la gabbanaysaa waa inay maalgaliyaan, kadibna waxaynu doonaynaynaa in aynu adduunka ka kasbanno maalgashi, tallaabadii u horreysay waxa ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo iyo KULMIYE, waataa aannu ku keenay dekedda ee dadka qaarkii weli gujo-gujinayaan, in maalgashi loo helo dalka oo 400 milyan dollar la galiyo oo dhallinyaradu si fudud u hesho shaqada ee aanay ku helin garab-qabasho ayeynu ku helaynaa.

Sidaa darteed, aragtideenu waxa weeye in aynu nolosheena mid ka fiican gaadhnaa, taasaynu ku halgamaynaa, dhallinyaradana tooshkaas baanu u dhiibaynaa inaad noloshan mid ka wanaagsan maalin walba dalbataan, qanaca, niyad-jabka iyo is-dhiibidu nooma taalo, taasi waa xinnaga mamnuuc haddaynu Somaliland.”

Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE: “Somaliland waxa mabda’eedu yahay oo aynu ku shaqaynaynaa oo dastuurkuna ina farayaa dalalka jaarka ah in aynu nabadgalyo, iskaashi iyo isgacan-qabsi kula shaqayno, mar walba annagu waxaannu caalamka ugubaaqaynaa nabad, iskaashi, walaaltinimo iyo daris wanaag.

Dawladaha jaarkeenna ee ay ugu dhawyihiin Jabuuti iyo Itoobiya, maalmihii dhawaa warbaahinta waxa aad u roorayey in la maagayey Jabuuti, waxa laga hadlayey Madaxweynaha maamuuskiisii, weftigii aan ku jiray ee Madaxweynuhu muu caban, Wasaaradda Khaarajiguna may caban, namanay waraysan goob-joog baanu ahayne, marka hore dawladda Jabuuti dawaladaha caalamka oo dhan waa ta inoogu xigta, waa dawlad aynu dhaqan, dhiig, walaaltinimo iyo darisba wadaagno, mar walba in aynu iskaashanno mooyee innagu dhibaato in aynu dhexdeenna keeno waa xaaraan, ninka warbaahinta taa ka abuurayaana waa mid gardaran, socdaalkii dhawaa ee Jabuuti, Madaxweynaha waa la casuumay oo way innaga karaameeyeen, Madaxweynaha waa la siiyey baratakoolkii madaxweynayaasha, madaarka ciidan baa ku salaamay, markuu soo galaayey (madashii xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti) waddadii Madaxweynayaasha ee roogga-cas oo ciidamo ku salaameen buu maray, haddii aynu wax dhaliilno oo bani’aadamku wuu qaldamaaye wax qaldamaanba waa la saxaa oo walaaltimo ayaa lagu saxaa, laakiin dadka warbaahinta waxay doonaan ka yidhi wanaag may wadin, fidnana uma baahnin in dhexdeenna laga abuuro.

Dalalka aynu jaarka nahay marnaba aflagaado warbaahinta la mariyaa wanaag inoo tarimayso, wixii aynu tirsanayno ee dhaliilo ah habka dawladuhu u maraan ayeynu u maraynaa.Ta labaad heshiiska dekedda Berbera ee DP World, dad baa yidhi oo warbaahinta qaar baa qoray Dubai waxa loo tagay Jabuuti baa laga aargoosanayaa oo mucaaradkii Jabuuti baa halkan la keenayaa oo Jabuuti baa lagu duulimaad yahay, bal hadda caqligaa eeg, ninka sidaa yidhi wuxuu diidan yahay in Somaliland iyo DP World heshiiyaan oo Somaliland hesho maalgashi ay kaga baxdo dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta, wuxuu been ugu gafay Somaliland iyo Jabuuti inay is dhaqdaan oo ay isku hiiliyaan mooyee maaha qaar cadow isu noqonaya marnaba, waayo waa qoys.”

Soomaaliya:

“Soomaaliya waa dal aynu jaar nahay, haddaynu wax isku darsanay waynu is qabanwaynay, midnimadii way innaga duntay, Somaliland-na baanu dhisanay, caqliga saliimka ahi wuxuu ahaa inay maanta yidhaahdaan Somaliland ha la aqoonsado oo ha la dhiso oo wlaaalayaal annagana na gargaara, laakiin caqliga odhanaya anigoo gubanaaya adiguna dabka ila soo gal oo ku sii daynmaayo oo lugtaan ku haysanayaa maaha caqli saliim ah, waxaannu leenahay sidaanu dawladahaa kale ee jaarka ah ugu hayno wanaagga, iskaashiga iyo walaaltinimada ayaanu idiinku haynaa, ha la idinka helo caqli fayow oo aynu ku noqono laba raas oo walaalo ah oo iskaashada,yeynaan ku habsaamin in aynu lugta is-jiidano ama isku dhegno.”