Somaliland: Magaalooyinka Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo, Iyo Laascaanood Oo Si Wayn Loga Xusayo Xuska Munaasibadda 18-May

0
694

Wararka naga soo gaadhay magaalooyinka burco,berbera,borama,ceerigaabo iyo laascaanodo oo aan wariyayaasha ku kala sugan khadka teleefoonka kula xidhiidhay shabakada Ramaasnews ayaa waxay noo sheegeen in si meeqaamkeedu sareeyo looga xusayo xuska 18-may oo ah maalinta gooni isu taga jamhuuriyada Somaliland, shacabkuna ay iskugu soo baxeen siidi ay u xusi lahaayeen maalintaas.

Waxaana ay noo sheegeen in ciidamada kala duwan ee qaranku ay gaardi iyo dhoolo tus balaadhan ay ka muujinayaan iyaga oo sidoo kalena ay shacabka magaalooyinkaas ay kala qayb galeen xuska 18-may xubno wasiiro ah oo ka socda xukumadda,masuuliyiin ka kala socoto xisbiyada qaranka iyo madax kale.

Ardayda dugsiyada waxbarasho,goobaha ganacsi, gawaadhida kala duwan ayaa iyagu si wayn uga qayb qaadanaya xuska 18-may ee magaalooyinka iyaga oo kor u haya astaanta qaranka Somaliland.

Shacabka goboladaas ku nool ayaa wajyadooda laga dheehanayaa farxad iyo rayn rayn iyo waliba sida ay uga go’an tahay inay aqoonsi buuxda ka  helaan beesha caalamka.

Magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa naloo sheegay inuu ku sugan yahay oo uu shacabka reer togdheer kala qayb galay xuska 18-may madaxwayne ku xigenka jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Gabagabadiina waxa si wayn guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka looga xusaya xuska 18-may oo ah maalin ku qaali ah shacabka reer Somaliland ah maalintii gooni isku taaga jamhuuriyada Somaliland.

Warkan oo Dhamystiran naga Filo Saacadaha Soo Socda