Somaliland: Burco Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Qaranimda Somaliland ee 18 May + Sawiro

0
996

Kumanaan Iyo Kumanaan Ka Mida Shacabka ku dhaqan Magalada Burco Ayaa Saaka Subaxnimadii Hore Iskugu Soo Baxay Garoonka Diyaradaha Ee Magalada Burco Dabaldaga Xuska Sanad Gurada 25aad ee Kasoo Wareegtay Gortii Dhidabada Loo Tagay Qaranka Somaliland Ee 18 May. 16

Munaasibad Baladhan Oo Loo Samayay Munaasibadani Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaacil ,Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda,Gudoomiye Ku Xigeenka Ku Kowaad Xisbiga Wadani Axmed Mumin Seed,Xisbiyada Heer Gobo lee Gobolka Togdheer,Kumanaan Ka Mida Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Togdheer,Lamaha Dawlada,Heer Gobol,Heer Degmo Iyo Mati Sharaf Kale.

Waxa Iyaguna Munaasabadani Ka Hadlay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryanta Cali Maraxaan, Wasir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Shugri Xaaji Bondare ,Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Axmed Mumin Seed,Godomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer Aadan Xuseen ,Iyo Masuliyin Tiro Badan Oo Goob Jooga Ka Ahaa Munasabadani Ayaa Si Isku Mida Uga Hadlay Maalintani Qiimaha Ay Uleedaday Shacabka Somaliland,Waxanay Ka Waremaaan Maalmahi Qadhadha ee Lasoo Maray Xoraynta Somaliland Isla Markaana Habalyo Iyo Bogaadin U Diray Shacabka Somaliland.

Ugu Danbayntiina Waxa Munaasibadani Ka Hadlay Madaxwayane Ku Xigeenka Somaliland C.raxmaan Saylaci Waxana Uu Shacabka Gobolka Togdheer Sida Wadaninmada Leh Ee Ay Ugu So Baxeen Waynaanta Maalintani Qaran ee 18May Waxana Uu Shacabka Somaliland Meelkasta Oo Ay Ku Sugan Yahiin Hanbalyo Iyo Salaamo U Diray Cidamada Qaranka Iyo Shacabka Somaliland.

Isku Soo Wadabo Xuska Maalintani Qaran ee 18may Ayaa Mid Ka Duwan Xusaski Hore Ee Ka Dhici Jiray Gobolka Togdheer Waxanay Ahayd Munaasibad Si Hersare Lasoo Agaasimay Isla Markaana Shacabka Gobolka Togdheer Isku Soo Baxeen Si Wayn Si Ay U Mujiyaan Qiimaha Ay Maalintani Qaran U Leedahay 18May

IMG_1346 IMG_1373(1) IMG_1374 IMG_1500 IMG_1521(1) IMG_1589(1) IMG_1607(4) IMG_1619(1) IMG_1639 IMG_1710 (1) IMG_1710 IMG_1747 IMG_1771(1) IMG_1790 IMG_1800 IMG_1967

IMG_1549(2) IMG_1820(4)