Somaliland: Warbixin Hor-dhac Ah Oo SONSAF Ka Diyaarisay Diwaangelinta Degmooyinka Hargeysa & Sallaxley

0
982

Dalladda SONSAF, ayaa War-bixin Hor-dhaca ka soo saartay Geeddi-socodka Diwaangelintii Gobolka Maroodi-jeex, taasi oo Wejigeedii Labaad la soo gabogabeeyay Jimcihii Doraad.War-bixinta Dalladda SONSAF, ayaa lagu bilaabay sidan:-

Koobid:- BishanAbriil 30-keedii,2016 waxa ay diwaangelinta codbixiyayaashu dib ugabilaabantay gobolka Maroodi-jeex, ka dib hal bil oo loo hakiyey abaarihii baahsanaa ee dalka ka dhacay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si toos ah u daah-furay xafladdii lagu bilaabayay diiwaangelinta gobolka ugu dadka badan ee Maroodijeex.

Toddobaadkii ugu horreeyay ee diiwaangelinta, Dalladda SONSAF oo kaashanaysa, madasha ururada bulshada ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF), waxa ay u kala dirtay gobolka Maroodijeex, 67 goobjoogayaal maxalli ah, kuwaas oo gaadhay 145 goobood oo ka mid ah  183 goobood oo diwaangalintu ka socotay,Taas oo ka dhigan in dalladdu gaadhay 79.2%.

Goobjoogayaashu waxa ay soo tebiyeen in horumar weyn laga sameeyey, cilladihii farsamo ee ka dhici jiray goobaha diwaangalinta.. Tan waxa sababay iyada oo badi shaqaalaha goobaha diiwaangelintu ay hore uga soo shaqeeyeen, degmooyinka Gabiley iyo Balligubadle iyo korodh lagu sameeyay kooxda cillad saarista. Arrintani waa guul la taaban karo oo ay sameeyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, taasi oo dallada SONSAF na ay ku ammaanayso.

Goobjoogayaashu waxa kale oo ay soo sheegeen, in dadka u soo baxay isdiwaangelinta ee imanayay goobaha diiwaangalintu ay aad u yaraayeen, marka loo eego sidii la filayay. Taasi waxa ay dhalisay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadu, uu ugu gooddiyo ardayda dugsiyada sare, in aanay geli doonin imtixaanka, haddii aanay qaadan kaadhka codbixinta. Dalladda SONSAF waxa ay u aragtaa, in qaadashada kaadhka codbixintu ay tahay mid go’aan shaqsiyeed ku xidhan, ee aanay noqon karin wax lagu jujuubo qofka.Dhanka kale SONSAF waxa ay dhiirigelinaysaa in la qaato kaadhka codbixinta, oo ah xaq muwaadinka u gaar ah oo uu ku dooran karo mustaqbal cidda uu rabo.

Dalladda SONSAF waxa ay sigaar  ah iyo si guud ba ugu ammaanaysaa Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, inay meel mariyeen wax ka beddelkii iyo kaabistii ay ku sameeyeen xeerka diwaangelinta codbixiyeyaasha, ee uu hore Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed ‘Siilaanyo’ uga codsaday.

Tani waa guul weyn oo ay gaadheen dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinku, waana sansaan muujin karta, in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ay mar ku wada qabsoomi karaan si guul ah.

Dhanka kale SONSAF waxa ay Guddida Doorashooyinka Qaranka ku dhiirrigelinaysaa inay la yimaaddaan, qorshe hawleed cayiman oo qeexaya hawl socodsiinta arrimaha doorashooyinka, si wax badan loo sii kala ogaado, ka hor maalinta doorashada. SONSAF waxa kale oo ay ka digeysaa dhibaato kasta oo ku iman karta xisbiga UCID dhexdiisa. Iyada oo ku boorinaysa garabyada xisbigu inay ku dhammaystaan arrimahooda, hab xeerarka iyo sharciga u yaalla xisbiga iyo waddanka waafaqsan.

Warbixinta Guud

Diiwaangelinta codbixiyaaashu waxa ay dib uga billaabantay, Hargeysa iyo Sallaxley bishii hore 30-keedii, ka dib hal bil loo hakad la geliyey, abaarihii baahsanaa ee dalka ka dhacay awgeed. Inkasta oo dhammaan gobollada dalku helay roobabkii gu’ga oo si wacan uga curtey waddanka, haddana waxa jira goobo badan oo ka mid ah waddanka oo la itaal daran abaaro.

Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota Hargeysa iyo Sallaxley, waxa ay u socotaa hab nabadgalyo ah, iyada oo aan illaa hadda la soo sheegin wax mushkilad ah oo goobahaasi ka jirta. Goobjoogayaasha maxalliga ahi waxa ay soo tebiyeen, in dhammaan shaqaalaha goobaha diiwaangelintu ay shaqada u wadaan si habsami ah, iyaga oo ka faa’iideystay waaya-aragnimadii ay ka soo kasbadeen goobihii hore ee ay ka soo shaqeeyeen ee Gabiley iyo Balligubadle, iyo in ay aad u yaraatay cilladaha farsamo ee ku yimid goobaha diwaangalinta, marka loo eego gobolladii hore oo arrintaasi aad ugu badnayd, arrintani waxa ay ka danbaysay markii KDQ ku ay kordhiyeen kooxaha cillad saarayaasha ee ka shaqaynayay Hargeysa oo ka tiro badnayd gobollada kale. Tani waa sansaan horumarineed oo laga sameeyey dhinacyo badan oo ay ku ammaanan tahay Guddida Doorashooyinka Qaranku. Dhanka kalena goobjoogayaashu waxa ay xuseen in mushkiladda ugu weyn ee hor taagnayd ay ahayd, in dadka isdiiwaangelinayaa ay aad u yaraayeen.

Goobjoogayaashu waxa kale oo ay soo weriyeen. in goobo badan oo ay ka socotey diwaangalinta codbixiyayaashu, ay ku arkayeen dad ka urursanayay warqadaha codbixiyaha la siinayo. Inkasta oo aan la garanaynin sababta rasmiga ah ee ka danbaysa, haddana waxa loo malaynayaa in shaqsiyaad raba inay ka qeyb qaataan doorashooyinka Baarlamaanku ay arrintaas samaynayeen, si ay u sii saadaalin karaan cidda u codeyn doonta hadhow iyo cidda kale, si ay ugu noqoto dhiirrigelin. Si kastaba ha ahaatee SONSAF waxa ay aaminsan tahay, in arrintani ka hor imaneyso xorriyadda muwaadinka ee uu xaqa ugu leeyahay inuu cidduu doono u codeyn karo iyo inay ka hor iman karto shuruucda waddanka u taal.

Dhanka kale waxa ay goobjoogayaasha maxalliga ahi soo sheegeen in goobo cayiman ay ka dhaceen shaqaaqooyin, shaqaalihii goobtaasi kaga yimid xubno xildhibaannada golaha deegaanka iyo ciidamada ammaanka ka mid ah. Tusaale ahaan subaxii Sabtida ee bishu ahayd 30-ka Abriil, xaruntadiiwaangalintanumberkeeduahaa 335, ayaawaxayimidxubno ah golahadeegaankacaasimadda ah, oo uu la socday Maayarka caasimaddu, ka dib markii guddoomiyihii goobtu weydiiyey kaadhka aqoonsigooda, ayaa waxa gacan u qaaday guddoomiyihii, xubin ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda, isaga oo ku eedeeyay inuu garan waayey Maayarkii Caasimadda. Sidoo kale maalintii Axadda ee bishu ahayd 1-da May xarunta diiwaangelinta ee numberkeedu ahaa 327 ayaa waxa ka dhacay, in nin sarkaal boolis ahaa uu gacanta u qaaday aflagaadana ugu darey guddoomiyihii goobtaasi, ka dib markii uu guddoomiyuhu ku yidhi sarkaalka soo gal safka ee ha soo dhaafin dadka. Si kastaba ha ahaatee SONSAF waxa ay si xooggan ugu dhiirigelinaysaa saraakiisha iyo maamulka dawladdaba inay ixtiraamaan shuruucda iyo nidaamka dalka u yaalla, ee aanay isku arkin in ay iyagu leeyihiin awood sharciga ka sarreysa.

Ugu danbeyntii goobjoogayaashu waxa ay ku ammaanayaan doorkii wacnaa ee xisbiyada Qaranku ka qaateen kormeerkii ay kusameynayeengoobahadiwaangalintadalka,

Iyaga oo weliba ixtiraamay heshiiskii ay la saxeexdeen guddida doorashada.

Dalladda SONSAF waxa ay ku dhiirrigelinaysaa xisbiyada Qaranku inay iska ilaaliyaan adeegsiga astaamo muujinaya calanka xisbiga marka ay goobaha diiwaangalinta booqanayaan, iyo inay u dhaga nuglaadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Geba-gebo

WareeggiikoowaadeediiwaangelintaHargeysaiyoSallaxley,waxauukudhammaadeysiguul ah, iyada oo horumar weyn laga sameeyey dhinaca cilad ka saarista, sida ay qireen goobjoogayaashu.Guntii iyo gebagabadii Dalladda SONSAF waxa ay ku ammaanaysaa sida kartida leh ee Guddida Doorashooyinka Qaranku u qabteen hawshaasi baaxadda leh, iyaga oo muujiyey, hufnaan, caddaalad, iyo karti, taas oo abuuraysa kalsooni ay ku qaban karaan doorashooyinka innagu soo socda. SONSAF waxa ay aaminsan tahay in jidka ay jeexeen Koomishanka Doorashooyinku, ay horseedi doonto, guul weyn oo aynu ka gaadhno hannaanka dimuqraadiyadeed ee doorashooyinka innagu soo socdaa u dhici doonaan.