Somaliland: Safiirkii Maraykanka Ee Ethiopia Oo Ku Taliyey In Wada Hadallada Turkiga Loo Soo Wareejiyo Gudaha Dalka

0
721

Warbaahinta Qaramada Midoobay Oo Saadaalisay In Caawimadii Soomaaliya Ka Geysatay Abaartii Dalku Wax Ka Beddeli Karto Qadiyadda Somaliland

 “Marka Dadka Walaalaha Ahi Iscaawiyaan Xilliyada Adag Waxay Iloobi karaan faraqa u dhexeeya, waxayna ka sii wada hadli karaan Arrimaha kale.” Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

Wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda federaalka Somalia iyo Somaliland, ayaa dib u billaabanaya 31-ka bishan May ee aynu ku jirto, xilli dhawr jeer ay wadahadalladan dib u dhaceen tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.

Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa dhawaan deeq lacageed oo dhan 1-Milyan oo doollar ugu yaboohday Dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanno ka tirsan Somaliland, taasoo ahayd gargaarkii u horreeyay oo ay Dowladda Soomaaliya ugu deeqdo Somaliland.

Raysal-wasaare ku-xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inayna ahayn deeqdaan mid ay dano siyaasadeed ka lahayd Dowladda Federaalka Somalia. “Tani waxay ahayd is-caawinta walaalnimada ah ee labada dhinac dhex-marta xilliga ay dhibaatooyinku jiraan.”ayuu yidi, Mr. Carte

Inkastoo Somaliland ay ku dhawaaqday ay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale muddo labaatan sano ka badan, ayaan haddana weli aqoonsi ah ka helin caalamka, iyadoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda sheegto mar walba inay ku dadaalayso sidii loosoo celin lahaa midnimadii Soomaaliya.

Somaliland, ayaa dhankeeda dhawr jeer sheegtay in ayna mar kale la midoobi doonin Soomaaliya, ayna yihiin dal madax-bannaan oo jaar la ah Somalia, iyadoo madaxda Somaliland ay sheegeen in Gooni-isku-taagooda uu yahay mid ku dhashay go’aan Shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo ka hadlay Wada-hadallada ay kula jiraan Somalia laba Toddobaad ka hor, ayaa yidhi. “Ujeeddada aan ka leennahay Wada-hadallada aan kula jirno Soomaaliya waa inaan gaadhno xal siyaasadeed oo ah sidii laba waddan oo jaar ah.”

Dhanka kale, Safiirkii hore ee Dalka Mareykanka u fadhiyay Itoobiya, David Shinn oo isna hadlay ayaa sheegay in wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya laga gaadhay horumar aad u wanaagsan, marka laga tago dib u dhacyadii dhawr mar horay ugu yimid iyo mowqifyada la kala taagan yahay.

“Is-fahamkii laga gaadhay qodobadii horay looga wadahadlay, ayaa ah kuwo muhiim u ah in Wadahadallada soo socda ay ka dhacan Gudaha Soomaaliya ayna noqdaan kuwo midho-dhal ah,” ayuu yidhi David Shinn.

Laakiin, Wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN oo qayb ka mid ah Warkan aanu ka soo xiganay ayaa sheegtay in Caawimadii dawladda Soomaaliya ka geysatay Abaartii Sannadkii ku dhufatay Somaliland ay Soomaaliya u tahay fursad diblumaasiyadeed oo Shacabka Somaliland ku iloobi karaan waxay ka tabanayaan Soomaaliya.

“Is-taageeriddu waa xidhiidh ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maxaa yeelay marka Dadka Walaalaha ahi Xilliyada Adag Iscaawiyaan waxay iloobi karaan faraqa u dhexeeya, waxayna ka sii wada hadli karaan Arrimaha kale.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Wakaaladda IRIN soo xigatay.

Wakaaladda waxa kale oo way war-bixinteeda ku tidhi, “Maaha markii u horeysay ee labada dhinac si wanaagsan caawimo isku waydaarsadaan. Sannadkii 2011 waxay Somaliland u dirtay Caawimo iyadoo ka jawaabaysa Abaar ka jirtay Gobollada dhexe, Lix Bilood ka dibna waxa si toos ah u bilaabmay wada hadallada.”

Inta badan Warbaahinta Soomaaliya, ayaa War-bixino la xidhiidha Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland baahinayey ilaa Shalay, iyagoo ku dabaqaya in gurmadkii Soomaaliya ka gashay Abaarihii Somaliland ahaayeen Tallaabo Diblumaasiyadeed oo Somaliya qaadday.