Somaliland: Mujaahid Cali Guray Oo Xukumadda Somaliland Ku Eedeeyey Musuq-maasuq Iyo Hanti Lunsi Xadhkaha Goostay

0
736

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbigaUCID mujaahid Cali Guray ayaa xukumadda ku eedeeyey xarashka iyo iibinta dhulka iyo hantida dadwaynaha, waxan uu sheegay ina waxii mashaariic ee muddo dheer in loo daayo madaxwaynaha danbe ee qabsada dalka.

Mujaahid Cali Guray qoraal yar oo uu baahiyay ayaa waxa uu u dhignaa sida tan.

“Hindise heshiis maaha sharcina maaha. Lakiin wax la odhan lahaaba hadda waxa laga dhigtay ama loo dhigay mashruuc olole oo Kulmiye ah. Waynu ognahay xukuumaddan wakhtiga u hadhsan iyo mudada hindisuhu xusay waxa u dhexeeya 29 sanadood iyo bilo. Markaa waxay ka talinayaan oo iyagu sida ay doonaan uga talinayaan oo weliba ay keligood go’aaminayaan taldii iyo go’aamadii ay qaadan lahaayeen Madaxwayne iyo Baarlaman muddo xileed koodii sharciga ahaa ku jira. “

“Xiligani wuxu ku suntan yahay xiligii musuq maasuqa, eexda, iyo qaraabo kiilka. Sodon sanadood oo mustaqbalka Somaliland ah laguma aamini karo duul ku mamay boobka hantida dadwaynaha. Kuwa guryihii iyo dhulkii hantida dadwaynaha ahaa ee Siyaad Barre ka xishooday u hungurooday ee midba badhkiisa qaatay ee kala boobay ma waxay badbaadin oo lagu aamini karaa inay sodon sanadood oo soo socdana sii qadintaan? . Waar lama diidana horumarin ee kuwan ma lagu aamini karaa oo daacad ma ka yihiin baa la isku haystaa. Madaxwaynaha hawl kale uma taal oon ahayn inu doorasho xor ah oo xalaal ah ka qabto dalka bal in wax uun lagu majiirto ka tago. Tiina saan saanyaheedi ma muuqdo.”

“Sidaa daraadeed anigu mashruucan iyo wixii mashariic horumarineed ah oo dhan ee ka baxsan mudada u hadhsan xukuumaddan waxan odhan lahaa ha loo daayo Madaxwaynaha ka dambeeya Axmed Silanyo iyo Baarlamanka dambe oo aynaan garanayn inay kuwan kuwo dhaama noqon iyo in xaalka Somaliland ka dar oo dibi dhal noqon. Kolay Ilaahay anigu wax aan khayr iyo wanaag ahayn kama malaysto markaa Allow Noo Door ayuun baan leeyahay”