Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo weftigii uu Hogaminayey ee ku Sugnaa Imaaraadka oo dalka dib ugu soo laabtay galabta.

0
231

Wasiiradda Madaxtooyada iyo Caafimaadka oo faah-faahin ka bixiyey Safarka Madaxweynaha iyo Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Madaxweynuhu la saxeexday Shirkada DP World.

Wasiirka Madaxtooyada oo Ka hadlay Arrintii Ina Boorre + Habmaamuuskii Jabuuti ee Madaxweynaha lagu qaabiley + Wararkii la isla dhex marayey ee ka soo qaybgalka Sheekh Shariif iyo Faroole + Qiimaha uu leeyahay Heshiiska DP World.

Weftiga Madaxweynaha waxa ku qaabiley Cigaal international Airport, masuuliyiinta qaran oo uu horkacayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo madax-dhaqameed tiro badan oo uu hogaaminayey suldaanka guud ee beelaha Somaliland, suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa dadweynaha caasimadu waxay ku qaabileen soo dhawayn baaxad leh, iyadoo ay dadku taxnaayeen laga bilaabo gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ilaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo gacmahooda, isla markaana dhextal uga dhigayey mashxarado iyo ereyo tiro badan oo ay ka mid ahayd madaxweyne soo dhawoow, isagoo madaxweynuhuna kaga jawaabayey, salaan gacantaaga iyo mararka qaar oo uu u degayey, socodna ku salaamayey bulshadii isugu soo baxday laamiyada ee soo dhawaynta la xamaasadaysnaa..

Markii uu soo gaadhay Madaxtooyada waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida,iyo baanboyda qaranka oo tumayey heesta calanka, waxa kale oo qasriga ku sugnaa wasiiro, xildhibaano, madaxdhaqameed, haween iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Ka dib madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland sida uu sheegay afhayeenka Madaxweynuhu, wuxuu dib ugu dhigtay hadal uu u jeedin lahaa dadweynaha, kagagana warrami lahaa safarkiisii u dambeeyey inuu ku soo daro khudbada uu jeedin doono 18 May. Waxase faah-faahin ka bixiyey safarka madaxweynaha Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo sheegay in heshiis culus lala soo galay shirkado ka mida shirkadaha ugu waa weyn dunida dhinaca dekedaha, taasoo ay ummadda uga soo kordhi doonto faa’iidooyin tiro badan, isagoo arrintaa ka hadlaayana wax auu yidhi

“Dalka teywaan waa dal yar bed ahaana Somaliland le’eg lamina aqoonsana waxaanu noqday dhinaca dhaqaalaha dalalka ugu buuran uguna awood badan ee dhaqaale waxaanu noqday dalka 18aad ee aduunka ugu dhaqaalaha roon”.

Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna khudbad dhinacyo badan taabanaysa kaga waramay ujeedka safarkan u dambeeyay ee heshiisku ku dhaxmaray isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland, kaas oo uu ku sifeeyey mid waxtar balaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland, gaar ahaan, iyo mandaqada Bariga Afrika guud ahaan,wasiir ku waxa uu sheegay in shirada heshiiska lala galay ay tahay shirkad maalgelisay dekedo badan oo qaaradaha caalamka maamusha kuwaasi oo lagu qiyaasay 66 dal dekedahood, markuu arrintaa ka hadlaayeyn

a waxa uu yidhi “waxa aanu soo galnay heshiis taariikhiya oo midhihiisu faa’iido badan u leeyihiin, dalka iyo daka Somaliland, kana mid tahay shaqo abuur gaar ahana dhalinyaradu, kuwooda waxbartay iyo kuwa kaleba ay manaafacaadsan doonaan, dhinacyo kala duwan oo kalena waxka qabanaya, sida Beeraha, ganacsiga, xoolaha, kalluunka, Shaqaalaha iyo wixii la mid ah”.

Wuu sii hadlay wasiirka Madaxtooyadu, waxana ka mid ahaa hadalkiisa

“dawlada imaaraadka Carabtu waxay qayb laxaadleh ka qaadanaysaa jidka dheer ee isku xidhaya Berbera iyo Togwajaale, oo ah mid aad u dheer, markuu hirgalana noqonaya marin ganacsi oo ay wadaagaan dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, noqonayana marinka quudinaya dadweynaha tirada badan ee boqolka milyuun ku dhawo ee Itoobiya”

Wasiirku mar uu ka hadlayey maamulka dekeda wuxuu yidhi “dekeda saddex weji oo kala danbeeya ayaa loo dhisi doona maamulkeeduna wuxuu u qaybsanaan doonaa dawlada Somaliland iyo shirkada weyn ee DP World iyadoo mid waliba qaybta ay leedahay maamulka iyo waxa ka soo baxaba uu heshiiska ku cad yahay”

Ka dib waxay warfidiyeenku waydiiyeen wasiirada suaalo kala duwan, waxaana jawaabihiisa ka mid ahaa in aanay mucaaradka iskaga darsamin waxa danta guud ah iyo xafiiltanka siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada tartamaya ee qaranka, waxanu tusaale u soo qaatay in heshiiskan u danbeeyey ay dad badani shaqo abuur ka heli doonaan gaar ahaan dhalinyaradu, sidaas awgeed maaha in marna xisbiyada mucaaradku ay yidhaahdaan, dhalinyartiibaa markii shaqo la siin waayey badda isku daadisay, marka marinkii shaqo loogu heli lahaa la soo diyaariyana, sida heshiiskan imika ay nashuushadeeyaantaasina waxay iyaga u tahay siyaasad xumo.

Waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in cabdiraxmaan Boore yahay, ganacsade Soomaaliyeed, salaana ay ku kulmeen madaxweynaha iyo weftigiisa, balse aanu wax shaqo ah ku lahayn heshiiska labada dawladood dhex maray, dawlada Somalilandna aanay isaga heshiis gaara la gelin.

Waxa kale oo wax laga waydiiyey soo dhawayntii madaxweynaha lagu qaabiley caleemo saarkii madaxweynaha jabuuti, waxanu yidhi

“Marnaba weftigii madaxweynuhu hogaaminayey kamay cabanin soo dhawayntii Jabuuti, dalka iyo dadka Jabuutina wa awalaaleheen, manay ahayn markii u horaysay ee uu madaxweynuhu tago laguna soo dhaweeyo, balse dhawr jeer oo hore ayuu tegay manay jirin wax cabasho iyo nidaam xumo uu kala kulmay dalka aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, waxanan aad uga xumahay in masuuliyiin ka tirsan xukuumadu ay arrintaa ka hadlaan, iyagoo haddii ay jirto soo dhawayn lagu kala cabanayaa ay jirto marin loo maro, dawladana ay jirto cid u qaabilsan oo arrintaasi ka hadli karta ahna wasaaradda Ariimaha Dibeda. Dawladuhu hadday kala cabanayaan miidhiyaha (Media) waxba isuma mariyaan, balse marinka diblomaasiyadeed ayey ku wada hadlaan”.

Waxa kale oo uu caddeeyey wasiirku inaanay haba yaraatee jirin inay Xuska 18-May ku soo casuumeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed   iyo madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.

Comments

comments