Somaliland: Maamulka Muqdisho oo maamul goboleed aan jirin kaga dhawaaqay Barriga Somaliland iyo Xukuumadda oo aan wali ka Hadal.

0
819

Warar naga so gaadhay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag ayaa sheegaya in manta deegano hoos yimaada gobolka sanaag lagga dhawaaqay maanul goboleed hoos tagi doona dawlada somaliya.

Waxaa deegaaanka lagaga dhawaaqay maamul goboleed lagu magacaabaa deegaanka xiingalool oo iyadu masaafo aan sidaa u foogayn u jirta magaalasda ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag.

Waxaana dadwayne halkaasi isku urusaday ay ku dhawaaqeen inay yihiin maamul goboleed hoos tagi doona dawlada Somaliland iyaga oo isla goobta lagaga dhawaaqayna ku doortay madaxwaynaha maamulka gobolada waqooyi bari waa siday ay ku magacaabeene.

Axmed Maxamed Maxamuud Jebiye oo ku magacaaban afhayeenka gudida siyasada ee maamul u sameynta gobalada waqooyi bari oo warbaahinta kula hadley magaalada xiin galool ayaa  u shaaciyey ku dhawaaqista maamulkan cusub ee hoos tagi doona dawlada somaliya.

Waxaana uu sheegay Afhayeenkaasi in ay madaxweynaha maamulka gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya u doorteen Cali Axmed Faatax oo hore u ahaa wasiirka qorsheynta maamul goboledka Puntland.

Xukumadda Somaliland ayaa iyadu wali la garanayn talaabada cad ee ay ka qaadi doonto dadkaa ku dhawaaqay maamul goboleedka hoos tagi doona dawlada somaliya.