Somaliland: “Lacagta Xaqul-qalinka Ah Ee Lasoo Qaaday Wasiiradayadii Hawsha Kala Gooyay Mid Ay Leeyihiin Maaha, Mana Ah Mid Intayada Waftiga Ah Ku Fara Laabayso Ee Qasnada Qaranka Ayay Ku Dhacysa” Wsiir Maxamud Xaashi.

0
757

Wasiirka madaxtooyada somaliladn Maxamuud Xaashi oo kamida waftigii madaxwyane siilaanyo ee wakhti xaadirkan ku sugan magaalada Dubai ee xarunta isku taga imaaraadka carabt ayaa sheegay qadarka lacaga ee ay shirkada Dubai World ku maalgalinayso dekeda magaalad berbera, waxaana uu wasiirku sheegay inay lacagtaasi dhan tahay 440 Milyan oo dollar isla markaana ay shirkadu muddo 30 sanadood ah malgalinteda ay bixinayso shirkada mamulka dekeda la wareegtay.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirkada laga soo qaaday lagac hor dhac ah oo dhan 15 Milyan oo dolar oo ah lacagtii xaqul qalinka waxaana uu xusay in lacagtaasi ku dhici doonto qasnada qaranka.

Wasiirka oo arimahasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi.

“shirkada aynu wada samaysanayno 35% ayaynu leenahay, wax lagaca oo aynu inagu kambanigaa ku bixinaynaa ma jirayso waxa aduunka ku baxayo oo dhan 440 Milyan oo dollar-na oo ah haruamarka 30 sanadood ahna waxa bixinaysa shirkada, 230 Milyan aya deg deg dekeda loo galinaya oo ah laba qaybood, deked cusub oo 400M ah iyo tena oo dib loo dhisayo iyo dhamaantood qalab casri ah, lacagta inta hadhay waxa lagu samayn doona deked kale marka 75% aynu isticmaalno dekedaa,waxa kale oo isna jirta 15 Milayn oo dolar oo xaqul qalin ah oo 5 milyan la siinayo doonyo iyo maraakiib   iyo 10 milayn oo naqad ah oo kash ah, lacagtaas 10 milyan ah waxa lagu kordhinyaa dakhlig sanadka 2016,qasnada qarank ayay ku dhacaysaa,xaqul qaalin wasiiradaydii hawsha kala gooyay leeyihin maaha mid aan intayada waftiga ah ku fara labaynana maaha”Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Si kasteba ha ahaatee hadalkan kasoo baxay wasiirka ayaa ah mid uu ka yidhi madal lagu maamuusayay xuska 18 may balse waxa  jjirta oo soo baxayay warar sheegaya in khilaaf xoogani soo kala dhex galay masuuliyiinta waftiga ahayd taasoo ay isku khilaafeen halka la gaynayo lacagtaa xaqul qalinka ah ee dhan 15 Milyan ah, xubnaha qaar kamida waftiga ayaa la sheegay inay soo jeediyeen in qasnada qoyska madaxwaynaha lacagtaas lagu shubo halka kuwo kalena ay sheegeen in qasnada qaranka lagu shubo.