Somaliland: Dawladda Ethiopia Oo Soo Dhawaysay Heshiiska Dekedda Berbera Ee DP World iyo Dawladda Somaliland

0
759

Dawladda Itoobiya ayaa soo dhawaysay heshiiska dekedda Berbera ee dhex maray dawladda Somaliland iyo shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta.

Haya’dda dawladda Itoobiya u qaabilsan arrimaha dekedaha ee EMAA ayaa sheegtay in heshiiskaasi muujinayo inuu fursad u yahay dadka shixnadaha kala duwan kala soo dega dekedda Berbera ee Somaliland.

Agaasimaha hay’adda EMAA ee Itoobiya u qaabilsan dekedaha Mr. Mekonnen Abera ayaa wargeyska the reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya u sheegay in Itoobiya soo dhawaynayo heshiiskaas. Wuxuu agaasimuhu sheegay in heshiisku muujinayo in la arko in shirkadda DP world ay si weyn u danaynayso horumarka dekedda Berbera, taas oo uu sheegay inay fursad weyn u tahay dadka ay shixnaduhu u soo maraan dekedda Berbera.

Wuxuu agaasimaha hay’adda EMAA sheegay in Itoobiya soo dhawaynayso heshiiskaas dhigaya in DP world ay dekedda Berbera ku maalgashan doonto 442 Milyan oo dollar.

Itoobiya ma bixin faahfaahin dheeraad ah, laakiin hadalkan agaasimaha EMAA ayaa muujinaya sida ay dawladda Itoobiya oo ah dal aan deked lahayni ugu sacabo tuntay heshiiskaas.