Somaliland: Xogo Laga Helay Heshiiska Dekedda Berbera Iyo Sida Uu Noqonayo Mustaqbalka Cali Xoor-xoor

0
827

Iyadoo aanay weli xukuumadda Somaliland bulshada si rasmi ah ugu soo bandhigin heshiiska hordhaca ah ee ay la gashay shirkadda DP world ee ku saabsan dekedda Berbera, ayaa haddana waxa iska soo daba dhacaya arrimo kala duwan oo ku saabsan heshiiskaas.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in in waxa loogu yeedhay “Xaqul qalin’ ee ay xukuumadda Somalialnd ku sheegtay inuu yahay 15 milyan oo Dollar uu ugu yaraan laba goor ka badanyahay tiradaas ay dawladu sheegtay. Ilaa hadda ma jiro wax cadaynaya in xaqul qalinku yahay 15 milyan oo dollar oo ay dawladda Somaliland shacabka u soo bandhigtay.

Sidoo kale maareeyaha dekedda Berbera, ayaa isna la sheegayaa inuu wada hadaladii heshiiskan lagu saxeexayay laba goor banaanka uga baxay, ka dib markii uu saluugay qaybo ka mid ah heshiiskaas. Qodobada uu Cali Xoor-xoor saluugay ayaa wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan inay ugu muhiimsanyihiin mustaqbalka shaqaalaha wakhtigan ka shaqeeya dekedda Berbera oo aan la garanayn in dhammaantood  ay ay DP world la wareegi doonto iyo in qayb ka mid ah la qaadan doono, waxaanu Cali Xoor-xoor ku dooday inay dekedda ka shaqeeyaan shaqaale uu tiradooda ku sheegay laba kun oo ruux. Laakiin shaqaalaha ay DP world ka qaadato shaqaalaha dekedda Berbera, ayaa waxa ay DP siin doontaa tababar caalami ah.

Waxa kale oo waxyaabaha uu  Cali Xoor-xoor saluugay ka mid ah kursigiisa maareeyenimada dekedda Berbera oo uu heshiisku dhigayo in la qaadan doono maareeye cusub oo jagadiisa loo geli doono tartan ka dib marka la xayaysiiyo.

Hase yeeshee Cali Xoor-xoor ayaa waxa ay isna DP world si madaxbanaan oo aan ka mid ahayn heshiiska ugu balan qaaday inuu noqon doono la taliye islamarkaana uu mushahar ahaan u qaadan doono lacag wanaagsan oo aanay tiro ahaan cadadkeeda cayimin.

Geesta kale, waxa iyana jira qandaraasyo ku saabsan dib u habaynta dekedda Berbera iyo dhismaha deked cusub oo aan la cayimin goobta laga dhisayo, waxaana qalabka loo baahanyahay soo iibin doona qof la sheegay inuu DP world magaciisa u gudbin doono Madaxweyne Siilaanyo, waxaana shakhsigaasi cidda uu yahay ka soo baxaya warar kala duwan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo weli ku maqan dalka Imaaraadka Carabta ayaan kelmad ka odhan heshiiskan. Waxase ay bulshadu ka sugaysaa Madaxweyne Siilaanyo inuu shacabka doortay u faahfaahiyo heshiiskan, qodobadiisa iyo danta ugu jirta Somaliland islamarkaana uu ka jawaabo doodaha iyo su’aalaha laga qabo.