Somaliland: “WADANI Ma Diidana Maalgashi Somaliland Lagu Sameeyo, Ee Wuxuu Diidanyahay Basarka Loo Maamulo, Kan Imaraadka Ee Dekeda Berbera Wuxuu Lamid Yahay Shidaal Badhisti Halkay Martay Aynu Ogayn”. Waraysi Xamarji

0
926

Badhasaabkii hore ee Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer, Axmed Cumar Xaji Cabdillaahi (Xamarji) oo hadana ka tirsan sarakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ayaa ka hadlay aragtida Xisbigooda ee la xidhiidha heshiiskii maalgashi ee ay kala saxeexdeen Wadamada Somaliland iyo Imaraadka.

Mud. Xamarji oo daba socday war ku soo baxay Shabakada Wargane news cadadkiisi maanta oo Jimce ah 13/5/2016, ayaa wuxuu waraysi kooban  oo uu siiyay Shabakadda Warganenews  wuxuu kaga hadlay aragta heshiiskaas. “Waxaan doonaya inaan idin yara saxo warkiini maanta aad daabacdeen. Xisbiga WADANI marka hore waa Xisbi Qaran oo waliba doonaya inuu dhaxlo dal iyo dad dhisan oo wixii laga qaban karaayay ay ka soo qabteen Xukuumadihii talada uga horeeyay, sidoo kale wuxuu WADANI doonaya in aan dalkan la galin heshiisyo iyo daymo aanu qaadi karin. Siyaasadda Xisbiga WADANI maha kumana jirto  in la diido wax dalka faa’iido u leh, wuxuuse WADANI diidana hadana diidanyahay qaabka ay Xukuumaddu u maamusho heshiisyada ay soo galaan oo ah nooc basar daran oo fool xumo ku jirto, waxaad arkayseen Saxaafadiinu, iyadoo Mareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor si gooniya uga hadlaayo heshiiskaas, oo hadana Wasiirka arrimaha debaddu Sacad Cali Shire isna qaab kale u dhigaayo, oo hadana Cali Shoonbe Wasiirka Qorshaynto meel kale ka fadkudinaayo. Mid mid la haystayna  kuma jiro.”.

Ugu danbayntii Badhasaabkii hore ee Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer, wuxuu is barbar dhig ku sameeyay, mashruuci Shidaal baadhista Somaliland oo caqabado ka horyimi u socon waayay iyo heshiiska  dhexmaray Dawladaha Imaraadka iyo Somaliland ee maal gashiga Dekeda Berber, wuxuuna yidhi.

“Sifihii sharciga ahaa lama marin, heshiiska iyo dariiqooyinka lagu asteeyayna ummadda looma soo bandhigin, wuxuu u san saan iyo muqaalba eegyahay wixii laynagu yidhi Shidaal baa laydiin soo saaraya, ee halka lagu soo galay iyo cida dilaashay iyo sharciyada la mariyay midna aan dadka loo sheegin  ee halku ku danbeeyay aynu ogayn”. Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo xidhay Axmed  Cumar Xaji Cabdilalahi (Xamarji).