Somaliland: “Axmed Siilaanyo, Oo Ahaa Madaxweynihii Lagu Soo Doortay Si Xor Iyo Xalaal Ah, May Qabanayn Kac Oo Xasan Sheekha Muqdisho Sacabka U Garaac”. Muj: Cali Guray

0
759

Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj: Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa noqday Siyaasiga kaliya ee ka tirsan Mucaaridka Somaliland, ee sheegay inay qadaf iyo foolxumo ahayd wixii ay Jabuuti ku sooryeysay Wafitgii Madaxweynaha Somaliland hoggaaminaayay ee booqashada ku tagay dalkaas. Muj: Cali Guray oo ah siyaasi dhiiran runtana aan ka gaban haday mur ka qadhaadhahay ayaa qoraal uu Qadafkii Jabuuti kula kacday Somaliland ka qoray wuxuu ku yidhi.

“Calaa kuli xaal Madaxwayne Axmed Silanyo waa inu qoorta ka guraa Wasiiradi sii hor cararayay waayo iyaga ayay marka hore inay sii ogyihiin hab maamuuska Madaxweynaha lagu qaabili doono. Mise waabay ogaayeen ee waxay ahayd sabotage shirqool. Runtii lama dafiri karo waxa meesha ka dhacay ( Jabuuti)  inuu ahaa bahdalaad, xaqiraad, iyo sharaf dhac. Axmed Silanyo wuxu doono ha noqdo lakiin inu madasha lagu bahdalay isagu ahaa Madaxwaynaha lagu soo doortay sida ugu dimuqraadisan ee xor iyo xalaasha ahi inu isaga laftiisa ahaa la iskuma hayo. Madaxweynaha Somaliya  Xasan Sheekh u kac oo u sacab tun may qabanayn ilaahay hortii. Waxa ka fiicnayd in aan laba soo casumin ama uu ka cudur daarto inu ka qaybgalo. Laakiin ha la yaabin laxiba shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaaye. Hadaad adigu is ixtiraami waydo cid kalena ha ka filin inay ku ixtiraanto wax aan intaa ahayn oo dhacayna ma jirto”

Ali Guray.