Ganacsadaha Reer Jabuuti Ee C/Raxmaan Boorre Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Heshiiska Dekeda Berbera.

0
718

Ganacsadaha reer Jabuuti ee C/raxmaan Boorre oo ay siyaasad ahaan si wayn iskaga soo hor jeedaan Madaxwaynaha Dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu markii ugu horeysay si cad uga hadlay heshiiskii dhex maray Somaliland iyo shirkada Dubai World ee wareejinta Dekeda Magaalada Berbera kaasi oo sida la sheegay qayb ka ahaa dhex dhexaadinta labada dhinac.
Ganacsade Boorre Qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twiterka qoraalkaasi oo uu kula hadlaayay asxaabta Siyaasada Somaliland isaga qoraalkiisa ku Yidhi.
“Maanta maaha Markii ay xisbiyada Siyaasadu kala aragti noqon lahaayeen Horumarinta marsada Magaalada Berbera,waa arinta ugu mudan uguna saraysa ee ay tahay in ay dhamaan Reer Somaliland u midoobaan,”.
Sidaasi ayuu qoraalkiisan ku yidhi ganacsadahan oo qayb ka ahaa heshiiskii Somaliland iyo Dubai World waxaanu Boorre ka faa,iidaysanaa xidhiidhka mugdiga sii galaya ee xukumada Somaliland iyo Jabuuti isaga oo ah ganacsadahani ninka kaliya ee sida wayn uu iskaga ilaaliyo dhinaca siyaasada Madaxwaynaha Jabuuti Mr Geelle.